Khayre oo sheegay in uu iska casilay xilka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xasan Cali Khayre ayaa shaaciyey in uu iska casilay xilka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. Hadalkan wuxuu imaanaya xilli baarlamaanka uu maanta sheegay in uu kalsoonida kala noqdey.

Tani ayaa waxay dhabaha u xaareysaa in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo soo xusho ra'iisul wasaare cusub, wallow uu hada sii haaye uu ka dhigay ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

Khadar oo soo dhaweeyay magacaabidaas ayaa sheegay in ay sharaf u tahay qabashada jagadaas, isagoo balanqaadey in uu waajibaadkiisa ku gudan doono si ay ku jirto xirfadnimo iyo u adeegida Qaranka.

Talaabo lama filaan ah, saaka ayay ahayd markii guddoonka Aqalka Hoose uu ku dhawaaqay in 170 Xildhibaan ay u coddeeyeen in la rido xukuumadda Khayre, sideed-na ay diidey aysana jirin cid ka aamustay.

Khayre oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho kadib socdaal uu maqribnimadii kaga soo laabtey caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegay "in uu dhowrayo midnimadda dalka.

Shirka jaraa'id oo goobjoog ahayd warbaahintiisa gaarka ah ayuu kaga dhawaajiyey in uusan dooneyn in waddanka uu ku laabto "burbur iyo dhibaato".

"Waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilkii ummadda Soomaaliyeed aan u hayay anigoo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato," ayuu yiri.

Xilli uu ka dhawaajiyey in uusan dooneyn in uu qayb ka noqdo "khal-khal siyaasadeed", Khayre ayaa talaabada Golaha Shacabka wuxuu ku sifeeyay "mid aan loo marin habraaca sharciga ah ajendahana aysan ku jirin".

Xisbiyada mucaaradka oo diidey eryida Khayre ayaa ku doodey in aan loo marin habraaca sharciga ah iyo dastuurka ku meelgaarka ah, waxayna Farmaajo ku eedeeyeen in uu qalalaase ku raadinayo dheereysi.

Sidda ay sheegayaan wararka, Farmaajo iyo Khayre ayaa ku kala aragti-duwanaa nooca doorashooyinka loo balansan yahay 2020-21; Villa Soomaaliya waxay goobeysaa qof iyo cod, halka Laanta Fulinta ay diidey.

MUUQAALKA KHAYRE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:35AM

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM