​Ku dhawaad 30 ruux oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goor-dhaweyd qarax xooggan ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, gaar ahaan goob aad u mashquul badan.

Warar hordhac ah oo Garowe soo gaaraya ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu qaaday maqaaxi aad u mashquul badan oo ku taalla is-goyska Kaawo Godey ee degmadaas, halkaasoo duhurradii ay isugu yimaadaan dadka ka ganacsada Jaadka.

Goob-jooge ku sugan halka Qaraxu ka dhacay ayaa GO, u sheegay in weerarkaas gaystay khasaaro laxaad leh, inkastoo aysan jirin cid xaqiijin karta tirada rasmiga ah.

Balse saraakiil katirsan kuwa ammaanka oo goobta gaaray ayaa laga soo xigtay inay dhinteen ku dhawaad 30 qof.

Qarax ayaa loo adeegsaday gaari xamuul ah.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, balse waxaa loo badinayaa inay ka dambeeyeen kooxda Al Shabaab.

Weerarkan ayaa lagusoo aadiyay xilli Al Shabaab ku goodisay inay dagaal la gali doonto dowladda uu hogaamiyo Farmaajo, xilli uu sheegay in dagaalka Al Shabaab lagusoo afmeero 2 sano.

Xaaladda Muqdishu ayaa kacsan tan iyo xil-wareejintii dhacday 16-bishan xilligaas oo weerar hoobiyaal ah lagu dilay saddex qof oo isku qoys ah kadib markii madaafiica lagu ganay Villa Somalia.

Shalay ayaa sidoo kale lagu dilay Afhayeenkii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb halka la dhawacay taliye ku-xigeen hore oo katirsanaa NISA.

Majirto ilaa imminka wax war ah oo kasoo yeeray dhinaca maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo martiqaad u fidiyey madaxweynaha Tanzania

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Samia Suluhu ay aqbashay casuumaada madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:09AM

Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

  • Soomaliya

    27-04-2024

  • 08:29AM