Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada [ AKHRI]

Image

CADAADO, Somalia - Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa galabta ku dhawaaqay Gollahiisa Wasiirada cusub, kuwaasi oo u badan xubno kasoo mid noqday Xukuumaddii Cabdikariin Xuseen Guuleed. 

Gollaha Cusub waxuu ka kooban yihiin 22 Wasiir, 22 kuu xigeen iyo 8 Wasiiru dowle, oo noqonaysa Xukuumad ka kooban 52 Xubnood.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Xildhibaanada Barlamanka Galmudug inay Codka Kalsoonida siiyaan Wasiiradiisa.

Wasiirada cusub kama aysan soo dhex-muuqan xubno matalaya Ahlu Sunna, oo si aad ah uga soo horjeeda Galmudug, horeyna u diiden inay la gashay heshiis lagu mideynayo labada maamul, ee iska soo horjeeda, islamarkaana kawada taliya wax ka yar labo gobol.

Magacaabista Wasiirada ayaa imaanaysa, xilli Xildhibaanada Barlamanka Galmudug ay diideen dalab uga yimid Madaxweyne Xaaf, oo ahaa inuu soo celiyo Wasiiradii maamulkii Cabdikariin Guuleed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM