​Madaxweynaha Somalia oo xilka la wareegaya

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha cusub ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmajo, ayaa maanta lagu wadaa inuu xilka kala wareego Xasan Sheekh Maxamud oo looga adkaaday doorashadii dalka ka dhacday 08 February, 2017.

Xafladda Xil-wareejinta ayaa ka socota xarunta Villa Somalia taasoo oo iminka looga yeeray bahda warbaahinta.

Munaasabadda ayaa lagu wadaa inay kasoo qayb galaan xubno katirsan labada Aqal ee Barlamanka Federaalka, xukuumadda waqtigeedu dhammaaday iyo diblomaasiyiin shisheeye.

"Xafladda Xil-wareejinta ayaa qaban qaabadeedu socota, goor-dhow ayay bilaabanaysaa, waxaana goobta isugu yimid madax kala duwan,"Sidaas waxaa GO u sheegay mid kamid ah dadka ku sugan Villa Somalia.

Farmajo iyo Xasan ayaa shalay isku arkay kulan qado ah xarunta Madaxtooyada inkastoo uu weheliyay Guddoomiye Jawaari, waxayna kawada hadleen arrimo ku aadan xaaladda Somalia, Fursadaha xukuumadda cusub iyo waliba sida ay wada-shaqayn uga yeelan lahaayeen hormarka dalka.

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale kawada hadlay xafladda Xil-wareejinta ee maanta dhici doonta, inkastoo aan xog rasmi ah laga hayn waxyaabaha ay diiradda saareen.

Farmaajo ayaa guul taariikhi ah oo aan la filanayn ka gaaray doorashadii dhacday Arbacadii Todobaadkii hore, isagoo helay codad aqlabiyad leh wareegii Labaad.

Wuxuu si KMG ah ugu shaqaynayay hotel Jazeera oo daganaa tan iyo markii uu ku jiray ololaha doorashada.

Wixii kasoo kordha wararkeena dambe ayaa idiin kusoo gudbin doonaa hadii EEBBE raali ka noqdo

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM