Mooshinkii laga gudbiyay Jawaari oo fashilmay [Xogo dheeraad ah]

Image

MUQDiSHO, Soomaaliya - Guddiga Joogtada ah ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa laalay Mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kadib markii Tiradii loogu gala galay buusami wayday.

Kulan Gudiga joogtada ah uu ku yeeshay Villa Hargeysa ayaa waxaa laga soo saarey go'aan ay waxba kama jiraan uga dhigeen Mooshinka ka dhan ah Jawaari, maadaama la waayay tirada Xildhibaanada lo baahnaa inay saxiixaan oo ah 92 mudane.

Gudiga ayaa ka dalbaday gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey inuu keeno liiska Xildhibaanadii saxiixay Mooshinka isaga loo soo gudbiyay, kuwaasi oo 16 kamid ah ay ka laabtene go'aankoodii hore ee saxiixa.

Muudey, oo ay isku qabiil kasoo jeedaan Fahad Yaasiin, Agaasiimaha Villa Soomaaliya ayaa ku fashilmay inuu soo gudbiyo Liis dhameystiran, oo ay ku saxiixan yihiin magacyada Xildhibaanada Mooshinka ka keentay Jawaari.

Wararka ayaa sheegaya in inta badan Xildhibaanadii saxiixay Mooshinka ay ahaayeen Wasiirro iyo Wasiir ku xigeenno, ku dhaw Ra'iisul Wasaare Khayre kuwaasi oo kamid ah Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada taageersan Jawaari ayaa sheegay inay guul weyn gaareen, kadib markii uu fashilmay Mooshinkii Xilka la doonayay in xilka looga tuuro Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Sida uu qabo Dastuurka, mar hadii uu fashilmay Mooshinkan, ilaa mudo 6 bilood ah wax mooshin looma soo gudbin karo Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari ayaa mudooyinkii dambe loolan Siyaasadeed adag kala dhaxeeya Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, oo lagu soo waramayo in xafiiskiisa uu gadaal ka riixayay Mooshinka la laalay.

Wararkii ugu dambeeyay ee Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in afar kamid ah Xildhibaanada la sheegay inay la laabteen saxiixa ay hadda leeyihiin: "Waxba Kama laaban, wali go'aankeena waa sidiisa."

Waxaa jira is-jiid-jiidad iyo muran xooggan oo ka dhashay Mooshinka maanta soo ifbaxay ee laga gudbiyay Jawaari, iyadoo la filaya in saacadaha soo socda uu Shir Jaraa'ida qabto Cabdiweli Ibraahim Muudey, oo arrimaha taagan uga hadlayo.

GAROWE ONLINE 

 

 

 

Related Articles

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM

Soomaaliya oo Galaysa Marxalad Cusub Xilli uu Dhammaaday Hawlgalka UNTMIS

Kala-guurka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta hay’adaha federaalka iyo hagaajinta amniga.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:31AM