Muxuu Salka ku hayaa Khilaafka Baarlamaanka Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Khilaaf cusub ayaa soo kala dhexgalay gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo salka ku haya dhanka awoodda.

Khilaafka ayaa yimid kadib markii Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu iclaamiyay inuu Shir ugu qabanayo magaalada Baydhabo Gudoomiyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada dalka, kaasi oo lagu dhisayo madal lamid ah mida madaxweyniyaasha dowlada goboleedyada ku sameysteen Kismaayo.

Cabdi Xaashi ayaa kasoo horjeestay qabashada Shirka Baydhabo, waxaana uu warqad u qoray Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada, isagoo sheegay in Shirka Baydhabo uu yahay mid lidi ku ah jiritaanka nidaamka Federaalka.

Wuxuu ugu baaqay gudoomiyaasha Golayaasha Sharcidejinta Dowlad Goboleedyada in aysan ka qeybgalin Shirka Baydhabo, kaasi oo uu qaban qaabiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa tilmaamay in Gollaha Shacabka uu u shaqeynayo sidii Baarlamaankii 9-aad islamarkaana uu iska indha-tirayo in dalka uu leeyahay Gollaha Aqalka Sare oo matala dowlad goboleedyada.

Gollaha Shacabka ayaa qorsheynaya in Shirka Baydhabo uu ku dhiso Madasha Gudoonada Golleyaasha Sharci dejinta ee dowlad goboleedyada, taasi oo ujeedkeedu yahay in laga hor istaago Aqalka Sare inuu matalo maamulada Federaalka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ka dalbaday Madaxweynaha, Guddoonka Golaha Shacabka, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyayaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada in la joojiyo Shirka Baydhabo.

Lama oga in Madaxweynayaasha maamulada ay aqbali doonaan codsiga Cabdi Xaashi, iyadoo la ogyahay in Madaxda maamullada intooda badan iyo gudoomiyaasha Baaralamaandooda aan isku wanaagsanayn.

Isagoo ka faa'idaysanaya khilaafka, ayaa Jawaari la yimid qorshahan uu ku sameynayo Madal ay ku midaysan yihiin Gudoonada Golleyaasha baarlamaanada dalka.

Lama oga ujeedada uu Jawaari ka leeyahay aas-aasida madashan, balse warar Warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in barnaamijkaan uu lacag kaga qaadanayo saaxiibada Beesha caalamka.

Beesha caalamka ayaa horey u sheegtay in nidaamka Federaalka Soomaaliya uu yahay mid muhiim ah iyadoo khilaafkii Madaxweyne Farmaajo iyo maamulada cadaadis ku saartey in la dhameeyo iyadoo aan la garaneyn hadda sababta ay arinkaan u maalgalinyaan.

Dhinaca kale waxaa jira warar lagu kalsoon yahay oo GO helay ayaa sheegaya in qorshaha Jawaari uu qayb ka yahay Fahad Yaasiin, Agaasiimaha Villa Soomaaliya oo raadinaya in awooda madaxda maamulada Soomaaliya ee isu tagey lagu wiiqo iyadoo laga horkeenayo madaxda Baarlamaanadooda.

Khilaafka u dhexeeya labada Gudoon ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa salka ku haya dhanka awooda, iyadoo Dastuurka Soomaaliya uu weli qabyo yahay. Aqalka sare oo matalo maamulada iyo aqalka hoose uu ku yimid awood-qaybsiga beelaha Soomaliyeed ayaan la ogeyn halka uu ku biyo shuban doono khilaafkooda.

Warqadda Cabdi Xaashi kasoo saaray Shirka Baydhabo

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:07AM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Xukuummadda ee SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa isbedelkan sameeyay.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 07:55AM