Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Dhoobley

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Shil diyaaradeed ayaa waxaa lagu waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay garoonka diyaaradaha magaala xudeedeedka Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Diyaarad nooca milatariga ah ayaa la sheegay in ay shilka gashay. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa burburkaas. Mana jiro mas'uul si rasmi ah fahfaahin dheeriya ah uga bixiyey.

Sidda ay sheegayaan warbixinada qaarkood, diyaaradda ayaa sahay u wadday ciidamadda Kenya ee qaybta ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM.

Inta illaa iyo haatan la hubiyey, hal qof oo kamid ahaa rakaabka ayaa ku geeriyooday dhacdadaas, halka laba kale oo ku wehliyey diyaaradda ay dhaawacyo kasoo gaareen shilka.

Si dhab ah looma ogga shixnadda ay sidday diyaaradda iyo tiradda guud ee rakaabka la socday. Maamulka garoonka oo xiriiro lala sameeyay wuxuu diidey in uu tafaasiil siiyo saxaafada

Sidda qaar kamid ah madaarada magaalooyinka Soomaaliya, garoonka diyaaradaha Dhoobley waa nooca macmalka ah ee ka sameysan Jaayga, waxaana tega duulimaadyo maxaliya.

Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa waxay horey uga dhawaajiyey in garoonka ay ka dageen diyaarado Kenyaan ah oo ku xadgudubay xayiraada Khaadka loo saarey safmareenka Covid-19 awadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo xoojinaya iskaashiga hubka

Laba ilo-wareed oo Maraykan ah ayaa WSJ u xaqiijiyey in Maraykanku fuliyey weerarka.…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 11:35AM

Maxaa Sababay Mooshinka Xil-ka-qaadista Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh?

Xildhibaannada mooshinka wada ayaa Wasiir Cali Xoosh ku eedeeyay gaabis iyo waxqabad la’aan ku timid howlaha wasaaradda.

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 07:58AM