Soomaaliya: Dhacdo lagu rasaaseeyay Xildhibaan oo la baarayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda amniga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay baarayso rasaas la sheegay in Ciidamada NISA ku fureen Gaariga Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo Gollaha Shacabka katirsan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhacdadii ka dhacday Barta Koontarool ee Ciidamadu ku leeyihiin KM-0 ay ay ahayd mid aan loogu tala-galin Xildhibaanka, oo ay ahayd hal Xabad oo Askari uu ku riday gaari ka gudbay Koontaroolka kaasi oo laga shakiyay.

Falkan ayaa waxa uu dhacay shalay galab, abaare 5:30 p.m. waqtiga Muqdisho [Halkan ka akhri Warka].

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in Ciidamada NISA ay si bareer ah rasaas ugu fureen Garigiisa markii uu kasoo gudbay Bartooda Koonatrool, isagoo intaasi ku daray in wax dhibaato ah kasoo gaarin tacshiiradda.

Xildhibaanka ayaa diiday warka Wasaaradda amniga kasoo baxay ee ah inay baarayso, wuxuuna dalbaday baaritaan madaxbanaan, maadaama aan lagu kalsoonaan karin isla Hay'addii falkan ka dambayso inay sameyso baaritaan dhab ah.

HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM