Taliyihii Ciidanka Taraafikada Soomaaliya oo geeriyooday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii ciidamada Booliska Wadooyinka Soomaaliya, Cali Maxamed Cali (Cali Shariif), sida uu xaqiijiyay Talihii hore ee Ciidamada Cali Gaab.

Cali Gaab ayaa sheegay in Cali Shariif uu mudo xanuunsanayay, iyadoo loo qaadey dalka India oo lagu soo daweeyay, kadibna dhawaan dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, oo xalay uu ku dhintay.

Saddex bilood kahor ayaa soo wajahay xanuun aan la sheegin waxa uu yahay, kaasi oo ugu dambeyntii u geeriyooday. Allah ha u naxariistee Cali Shariif ayaa dhawaan xilka laga wareejiyay markii ay xaaladiisa caafimaad sii adkaatey.

Meydka Cali Shariif ayaa saaka lagu aasay qabuuro ku yaalla Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay Saraakiil sare oo ciidamada Taraafikada iyo Booliska isagu jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM