Wadahadalka dowladda Federaalka iyo Somaliland oo dib u farmaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka ka shaqeynayso qorshooyin dib loogu bilaabayo wada-hadallada maamulka Somaliland.

Mahdi Maxamed Guuleed, oo wareysi siiyay Universal TV, ayuu ku xaqiijiyay in wadahadalka Somaliland iyo dowladda dhexe markan noqon doono mid madax-banaan, oo la filayo inuu mira dhal noqdo.

"Waxaan xoojin doonnaa wadahadalka, hadda xiriirkeena Somaliland waa mid wanaagsan. Waxaan ka shaqaynaynaa sida ugu dhaqsiyaha badan ee suurtogalka ah in dib loo billaabo "ayuu yiri Mahdi.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka oo asal ahaan kasoo jeeda deagaanada waqooyi ee dalka ayaa rajo ka muujiyay in wadahadka uu noqon doono mid madax-bannaan oo mira-dhal ah.

Wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay si xor ah uga wada xaajoon doonaan arrimaha taabanaya labada dhinac, gaar ahaan kuwa ugu muhiimsan ee labada dhinac isku hayaan.

"Waxaan diyaar u nahay in aan miiska isagu imaano, oo aan dhageyna cabashooyinka walaalaheena Somaliland, Soomaaliya ma awoodi karto inay kala tagto, waxaan nahay w2alaalo," ayuu xusay Mahdi.

Labada dhinac ayaa ku kulmay London, Imaaraadka iyo Turkiga xilligii ay jireen dowladihii ka horeeyay mid Farmaajo, inkastoo aysan jirin heshiis dhameystiran oo laga gaaray arrimo xasaasiga ah.

Wasiirkii arrimaha dibadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay bishii February ee sanadkan in Madaxweyne Muuse Biixi iyo Farmaajo ku kulmayaan Jabuuti, kadibna wadahadalka dib loo furayo.

Wadahadalka la filayay iyo Kulanka Farmaajo iyo Biixi ayaa baaqday kadib markii maamulka Hargeysa ka carooday go'aankii Xukuumadda Soomaaliye ay is-hortaagga ugu sameysay heshiiska Dekedda Berbera.

Arrimaha taagan ee labada dhinac isku hayaan waxaa kamid ah madax-banaanida Somaliland, Maamulka Hawada iyo heshiisyada caalamiga ah ee lla galayo shirkadaha iyo dowladaha shisheeye.

Somaliland ayaa sheegtay inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale 1991, inkastoo uusan maamulka gooni isu taagey wali ku guuleysan aqoonsiga caalamiga ah, iyadoo taasi mudo 28 sano baadi goob ugu jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM