Warbixin naxdin leh oo laga soo saarey Ciidamada Soomaaliya

Image

MUQDISHO - Majaladda "Foreign Policy" oo fadhigeedu yahay Mareykanka, islamarkaana ka faaloota arrimaha siyaadda, dhaqaalaha iyo afkaarta ayaa warbixin naxdin leh ka qortay Ciidamada dalka Soomaaliya.

Warbixintan oo cinwaan looga dhigay "Soomaaliya waa dal aan ciidan lahayn" ayaa lagu sheegay in amaanka dalkan ku yaalla geeska Africa uu maalinba maalinta ka dambeysa sii xumaanayo.

Iyadoo Todobaadkii hore ay 15-ka dowladood ee Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey meel mariyeen qaraar cusub oo AMISOM mudo kordhin loogu sameeyay ayaa haddana dhacay qaraxyo ay dad badan ku dhinteen.

Labo qarax oo waaweyn ayaa midba ka dhacay Muqdisho, kan kalena Afgooye kuwaasoo lagu dilay ugu yaraan lix ruux, waxaana maalmo yar uun kahor lagu dilay Caasimadda Ganacsade dhalinyaro ahaa.

Warbixinta Foreign Policy ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo tiradoodu lagu qiyaaso 22,000 oo Askari ay hogaanka u qabteen howlgalka la dagaalanka Al-Shabaab.

AMISOM oo ka kooban Askar ka socda Kenya, Uganda, Burundi, Djibouti iyo Itoobiya ayaa buuxiyay doorkii ciidamada qaranka, islamarkaana noqday Ciidamada kaliya ee Soomaaliya hadda difaaca.

Korneyl katirsan Ciidamada AMISOM, oo wareysi siiyay Majalayaddan Foreign Policy ayaa ku tilmaamay in dalka Soomaaliya  lamid yahay sida "Doofaarka", oo hadii aad nadiifisid is-wasakheeya.

Hadalka Sarkaalkan, ayaa biya dhiciisa loo fahmay inuu ula jeedo in AMISOM hadii dalka ay nabadeyso, kadibna isaga baxdo, ay Soomaalida dhexdooda isku celinayaan halkii laga keenay ee ah amni la'aanta.

"Soomaaliya waa sida doofaar la nadiifiyay, waad nadiifinaysaa, haddana isagaa is-wasakheynaya," ayuu yiri Korneylkan katirsan Saraakiisha AMISOM, oo warbixinta xogteeda inta badan siiyay Foreign Policy.

Wuxuu sidoo kale la meel-dhigay xaaladda Soomaaliya dalka Afghanistan, oo uu sheegay in hadii ay ka baxaan Ciidamadii ajnabiga ay Kooxda Taliban si sahlan kula wareegi karto guud ahaan dalkaasi.

La dagaalanka Al-Shabaab ayaa aad u adag, sababtoo ah sida laga soo xigtay kaaliye katirsan wasaaradda Gaashaandhigga, xubno badan oo Kooxda katirsan ayaa loo qoray Askar ahaan oo ku biiray NISA iyo SNA.

Bishii lasoo dhaafay, waxaa weerar lagu qaadey Xafiiska Taliye ku xigeenka NISA, waxaana u dhacay oo xogtii taallay kala baxay sida ay Foreign Policy sheegtay xubno xiriir la leh Al-Shabaab, oo Sirdoonka dowladda Soomaaliya katirsan.

Warbixinta Foreign Policy ayaa daboolka looga qaadey in xubnaha markii hore kasoo goostay Al-Shabaab ee ku milmay hay'adaha amniga dowladda Federaalka ay u sahlaan Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida inay hesho dareeska/tuutaha Askarta ee lagu weeraro saldhigyada, xeryaha tababarka iyo bartilmaameedyada nugul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM