Wasaaradda difaaca oo heshiis qarsoodi la gashay Shirkad Shisheeye

Image

MUQDISHO, Soomalaiya - Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan Heshiis qarsoodi ah la gashay shirkad shisheeye, taasi oo fadhigeedu yahay islamarkaana ka diiwaangashan dalka Imaaraadka Carabta.

Shirkaddan oo lagu magacaabo SKA International ayaa kula heshiisay Wasaaradda Gaashaandhigga inay ka taageerto gaarsiinta Sahayda Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan goobaha Al Shabaab laga saarey.

Heshiiskan ayaa dhinac SKA ku waajibinaya inay bixiso dhamaan qalab ay ku jiraan gaadiid ku shaqeyn karo xaalad walba iyo shaqaalaha saadka gaarsiinaya goobaha loogu tala galay ee Ciidanka uu joogo.

Waxaa ku jira Heshiiska qodob xambaarsan waxa loogu yeeray ujeedooyinka ganacsi, kuwaasi oo aan wali fahfaahin laga bixin.

SKA ayaa sidoo kale heshiiska ku qasbayaa inay shidaal ku dhubto gaadiidka daabulaya saadka iyo inay bixiyo gunnooyinka iyo raashiinka Ciidamada ka ilaalinaya baabuurta Kolonyada weerarada Al-Shabaab.

Dhinaca Wasaaradda Gaashaandhiga waxa uu Heshiiskan ku waajibinayaa qodobo ay kamid yihiin inay bixiso kaalmo toos ah oo isagu jira ilaalada hubaysan ee galbinaya Gaadiidka sahayda qaadaya ee SKA.

Ciidamada ayaa sidoo kale laga doonayaa inay ilaaliyaan amaanka shaqaalaha iyo Gaadiidka SKA oo khatar ugu jira weerarada Al Shabaab xilliga ay ku safarayaan wadooyinka isku xira gobollada dalka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen [Gorod] ayaa xaqiijiyay saxiixa heshiiskan, isagoo sheegay in wax dhaqaale ah aan Wasaaradda difaaca uga baxeynin shaqada SKA.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, oo mas'uul xafiiska iibka iyo qandaraaska dowladda, ayaa sheegay inuusan waxba kala socon heshiiskan ay wasaaradda difaaca iyo SKA kala saxiixdeen, sidaasi darteedna uu yahay waxbka kama jiraan.

SKA International, oo asal ahaan laga leeyahay Mareykanka ayaa mudo sanado ah soo maamushay Garoonka diyaaradaha Muqdisho xilli dalka ay ka talinaysay dowladda KMG ahayd ee Madaxweyne Sheekh Shariif.

Arintan soo ifbaxday ayaa kusoo beegmaysa xilli uu Madaxweyne Farmaajo ku shaqeynayo, oo uu degan yahay si KMG ah xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo aan la ogeyn inuu ka warhayo Heshiiska iyo in kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM