Wasiir kamid ah Xukuumada Khayre oo la isku dayay in la xiro [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa saaka isku dayay inay xabsiga dhigaan mid kamid ah Wasiiradda Xukuumadda Khayre kadib markii sida la sheegay lagu soo eedeeyay Musuq-maasuq.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa tagey Xafaiiska Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka, Mukhtaar Mahad Daa'uud iyagoo wata warqad Maxkamad kasoo baxday oo lagu soo xirayo.

Xiisad xoogan ayaa ka dhalatay xariga Wasiirka, kadib markii Ciidamada Wasaaradda ay is hortaag ku sameeyeen Booliska lasoo amray inay soo xiraan Wasiir ku xigeenka, kaasoo la sheegay in loo haysto arrimo musuq-maasuq ah.

Wararka ayaa sheegay in xariga Wasiirka ay ka dambeysay markii khilaaf uu soo kala dhex-galay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda Xukuumadda, sida dad ku dhaw Xafiiska Khayre u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay inuu is-hortaagey in dakhliga soo gala Wasaaradda arrimaha dibadda lagu wareejiyo Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Waa mas'uulkii labaad oo tan iyo bishii lasoo dhaafay lagu soo eedeeyo musuq-maasuq, iyadoo uu ugu dambeeyay Agaasiimiha Waaxda dib u dejinta Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka la xiray markii uu lunsaday $84,000.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM