Wasiirkii 2aad oo iska casilay Gollaha Wasiirada HirShabeelle

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Waxaa maanta xilkii iska casilay Wasiiru dowlahii Wasaaradda Amniga iyo dhaqan-celinta maamulka HirShabeelle Muxsin Maxamed, oo jagadaasi shalay loo magacaabay.

Muxsin oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in sababo isaga uu gaar ah uu isaga-cilay xilka, balse aysan jirin cid ku cadaadisay ama dhaliil uu dhaliilayo xilka.

Wuxuu noqonayaa wasiirkii labaad oo iska cisilaya Gollaha Wasiiradda uu shalay ku dhawaaqay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, xili uu jiro khilaaf kala dhaxeeya xubnaha Baarlamaanka.

Wasiiru dowlihii Wasaaradda Boosatada iyo Isgaarsiinta Ismaaciil Maxamed Culusow, ayaa xilka iska cilay sidan oo kale maalintii shalay saacado kadib markii Gollaha la shaaciyay.

Shaqsigan ayaa ku sheegay sababta iscasilaadiisa inaan marka hore lagala tashan xilka loo magacaabay.

Madaxweyne Waare ayaa lagu eedeeyay inuusan latashi wanaagsan kala sameyn magacaabista Gollahiisa wasiirada Baarlamaanka, Beelaha iyo dadka uu xilalka u magacaabayo, kuwaasi oo hadda mucaaradsan qaabka uu wax u dhisayo.

HirShabeelle oo la aas-aasay dhamaadkii 2016-kii ayaa waxay la kowsatay khilaaf siyaasadeed iyo murano ku qotama nimaadka awood-qeybsi beeleedka [4.5], sida ay sheegeen dadka siyaasada darsa.

Baarlamaanka maamulkan ayaa xilkii ka qaadey Cali Cabdullaahi Cosoble, Madaxweynihii ugu horeeyay ee HirShabeelle isagoo xafiiska jooga mudo 11 bilood ah, kadib markii Xildhibaano mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keeneen.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM