Weerar khasaaro geestay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag hubaysan oo katirsan Al shabaab ayaa weerar culus saaka ku qaadey ciidamada AMISOM, xilli howlgal roondo ka ka waadeen deegaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa isku bedelay dagaal fool-ka-fool ah, oo dhexmaray labada dhinac, kaasi oo dadka deegaanka ay sheegeen inuu geestay khasaarooyin kala duwan.

Qarax miino ayuu ku billowday weerarka ka dhanka ah Askarta AMISOM, iyadoo kadib ay mintidiin ku hubaysan hubka fudud iyo gantaallada garbaha laga gano ay toos ugu duuleen ciidanka midowga Africa.

Dadka ku nool Carbiska ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in ugu yaraan labo qof oo uu kuu jiro wariye ka tirsan Idaacad ka howlgasha degmada Afgooye, oo haleeshay rasaasta xilli uu jidka marayay.

Wararka ayaa sheegaya in Wariyaha oo lagu magacaabi jiray Jacfar Cali Daacad uu u dhintay dhaawac kasoo gaarey iska-hor-imaadka u dhaxeeyay AMISOM iyo Al shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay AMISOM oo ku aadan weerarka ciidamadeeda lagu qaaday, balse Al shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay dileen dhowr Askari oo howlgalka midowga Africa katirsan.

Inta badan Al shabaab ayaa weeraro isagu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah la eegta Kolonyada AMISOM iyo ciidamada dowladda xilliyada ay ku safrayaan wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM