Weerarkii Hotel Naaso Hablood 2 oo lasoo afjaray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in lasoo afjaray weerarkii Hotel Naaso Hablood 2, kaasi oo soo billowday shalay gelinkii dambe.

Weerarkan ayaa ku billowday labo qarax oo ka dhacay afaafka hore, kuwaasi oo irida ku furteen rag hubaysan oo gudaha u galay dhisamaha, kana dhex-dagaalamay tan iyo xalay saqdii dhexe.

Dableyda galay Hotel-ka waxaa lagu qiyaasay ilaa 5 nin oo aad u hubaysan, waxaana ay ku dhex toogteen gudaha ugu yaraan 15 qof oo ay ku jireen mas'uuliyiin sare oo katirsanaa dowladda iyo maamul goboleedyada.

Afhayeenka Wasaradda Amniga Soomaaliya, Cabdicasiis Xildhibaan oo Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen saddex kamid ah dagaalyahanada, halka labadii kale la dilay inta uu socda howlgalka.

Wuxuu kaloo tilmaamay Afhayeenku in Howlgalkii xalay lagu soo badbaadiyay dad badan, oo mas'uuliyiin iyo wasiirro ku jireen.

Dadka lagu dilay weerarka waxaa kamid ah Xildhibaan hore Cabdinaasir Gaarane, Wasiirkii Arrimaha Gudaha Madoobe Nuunow Maxamed, iyo Taliyihii Ciidamada Booliska degmada Deyniile Colonel Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax). Halkan ka akhri.

Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyidda weerarka, iyadoo dhanka kale Madaxweyne Farmaajo uu cambaareeyay masiibadan, oo uu ku tilmaamay mid la doonayay in lagu cabsi geliyay shacabka u midoobay falalka argagaxiso ee Kooxdan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarada noocan ah aysan marba niyab-jebin doonin dowladiisa iyo qorshiyaasha Military ee ay doonayso inay Al Shabaab uga sifeyso guud ahaan dalka. Halkan ka akhri. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM