XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan magaalada Galkacayo

Image

BOOSAASO- Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo oo iminka ku sugan magaalada Boosaaso ayaa warar aan ka heleyno xubno ku dhow sheegayaan in maanta galinka dambe ugu dambeyn maalinta berri ah ka ambabixi doono xarunta ganacsiga Puntland.

Waftiga Madaxweynaha Soomaaliya oo aad loogu soo dhoweeyey degaanada Puntland ayaa cagtiisa ugu dambeysa safarkaan ku tagi doona magaalada Galkacayo halkaas oo la sheegey inuu ku sugnaan doono labo maalmood.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu habeen u hoydo dhinaca Woqooyi ee Galkacayo halka Koonfurta magaaladaas joogi doono maalinta kale. Lama oga halka uu abaari doona safarka ku xiga Madaxweyne Farmaajo iyadoo wararku sheegayaan in safar lugta ah ku tagi dooni magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulka Galmudug.

Wararka aan ka heleyno safarka Madaxweyaha gaar ahaan dad ku dhow ayaa xusaya iney dhib ka taagan tahay gadiidkii qaadi lahaa Waftiga Madaxweyne Farmaajo madaama magaalada Galkacayo uu qorhsyenayo inuu ku tago diyaarad uu ka qaadan doono magaalada Boosaaso.

Xogtaan ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya ay la socdaan wafti gaaraya 180 qof kuwasoo isugu jira xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada, Xildhibaano labada aqal, shaqaalaha xafiiskisa, taagerayaal siyaasdeed oo kasoo raacey magaalada Muqdisho iyo ciidamada sugaya amnigiisa kuwasoo ka kooban hay'ado Nabad sugineed ee kala duwan.

Magaalada Boosaaso iyo Magaalada Galkacayo oo isu jira masaafo dhuleed oo kor u dhaafeysa 700 KM ayaa waxaa adag in qaybo kamid ah waftigaas dib ugu soo noqdaan waqtiga dartiis iyadoo la sheegayo in hadii lagu daro Madaxweyne Gaas iyo dadka la socda diyaaradaha ay u baahan yihiin iney daad gureeyaan lagu qiyaasey ilaa 5 dulimaad.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Puntland iyo guud ahaan gobolada kale ee Soomaaliya ayaa shacabku aad u soo dhoweeyeen kuwasoo loo arka iney dhalineyso dareenka ah in dadku aaminaan in dowlad Soomaaliyeed ee dalka ka jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM