Baarlamaanka Somaliland oo cod u qaaday Guddiga Doorashooyinka

Image

HARGEYSA, Somaliland – Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa meelmariyey lix kamid ah todoba xubnood oo loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka.

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa wuxuu la noqday xubinta loosoo xulay kadib markii uu qoonsaday qaabka wax loo wado.

Xoghayaha guud ee xeer-dejinta, Cabdirisaaq Saciid Ayaanle, ayaa taariikh nololeedka xubnahaan u mariyey golaha kahor ansixinta.

Waddani ayaa sheegay in sababta uu u qaadacay Guddiga ay tahay in ay ku jiraan xubno u jaran-jeera dhanka xisbiyadda talada haya ee Kulmiye.

Hase ahaatee, Guddiga Anshaxa Golaha Wakiiladda oo warbixin soo saarey ayaa meesha ka saarey "eedeymahaan kadib baaritaan".

Inkasta oo Guddiga helay ansixin wadar ogol ah, haddana Xildhibaano kadib fadhiga hadlay waxay coddeynta ku qeexeen "mid la maquuniyey".

Xubnaha la ansixiyey kadibna la dhaariyey ayaa waxay rajo fiican ka muujiyeen in ay waajibaadkooda u gutaan qaabka ugu wanaagsan.

Guddiga ayaa qaban-qaabin doono doorashooyinka baarlamaanka iyo golaha degaanka ee Somaliland, kuwaas oo dhowr jeer baaqatay.

Calaamad su'aal ayaa, hase ahaatee, waxay dulsaaran tahay qaabka ay ku suurtogeli karto qabsoomida doorashada, iyadda oo ay maqan tahay xubinta WADDANI.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM