Cirro oo qaadacay Natiijada Doorashada Somaliland [DAAWO]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Cabdiraxmaan Cirro, Musharaxa Xisbiga Waddani, ayaa ku dhawaaqay inuu qaadacay natiijada doorashada Madaxtinimada Somaliland, taasi oo lagu waday in maanta lagu dhawaaqo.

Cirro ayaa sheegay inaysan ka dhicin Somaliland doorasho xur iyo xalaal ah, kadib markii lagu shubtay codadka sida uu sheegay, islamarkaana lagu tacadiyo lagula kacay qaar kamid ah wakiiladda Waddani.

Cabdiraxmaan Cirro wuxuu tilmaamay in Doorashadii la qabtay 13-ka bishan ay hareeyeen musuq-maasuq iyo ku shubasho baahsan, iyadoo goobaha qaar lagu codeeyay warqado faalsa ah oo ay qabteen.

Musharax Cirro ayaa xusay in 1,200 oo qalad ah uu Xisbigiisa Waddani ka tirsanayo Gudiga Arrimaha Doorashooyinka, oo uu sheegay inuu kalsooni badan ku qabin maadaama la sameeyay ku shubasho.

Wuxuu sheegay Cirro in la xirig aan sharci ahayn loo geystay Mas'uuliyiin iyo taageeriyaal tiro badan oo katirsan Xisbiga Waddani wixii ka dambeeyay 13-kii bishan markii ay dhacday doorashada, kuwaasi oo uu codsaday in xuriyadooda dib loogu soo celiyay.

"Waxaad ogtihiin in xitaa kormeeriyaasha caalamiga ay qireen in Caruur da'doo ka yartahay da'dii loo ogolaa, 7 jir ilaa dhowr iyo toban jir ay codeeyeen, waxaad la socotaan in Gudiga doorashooyin uu qirtay in buugaagta qaar kamid ah farahooda ka baxeen, oo suuqa laga helay, arintaasi oo fool xumo ku ahayd doorashada," ayuu yiri Cirro.

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu eeda dusha uga tuurey Xukuumadda Somaliland, oo uu sheegay inay mas'uul ka tahay xaaladda hadda taagan, iyoo tacadiyadii lagula kacay xubnaha Waddani iyo taageeriyaashooda, oo qaarkooda ciimdada amaanka ay rasaasta nool-nool u adeegsadeen.

 Musharax Cirro ayaa daboolka ka qaadey in dad geeriyoodey lagu soo daray liiska dadkii codeeyay, sidoo kalena ay heleen sanaadiiq ka badan kuwii loogu talo-galay codbixinta doorashadii Madaxtinimada.

Si kastaba, Gudiga Doorashooyinka Somaliland wali kama uusan jawaabin eedaynta culus ee markale uu usoo jeediyay Cabdiraxmaan Cirro. 

Go'aanka Cirro uu ku qaadacay Natiijada Doorashada ayaa yimid xilli ay soo baxayeen warar sheegay inuu Wadahadal kula jiro mas'uuliyiinta Xisbiga Kulmiye, isagoo lagala hadlayay inuu aqbalo natiijada, iyadoo la siinayo magdhaw lacageeda. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM