Doorashada Somaliland: Natiijada la filayo iyo Saameynta qabiilku ku leeyahay

Image

HARGEYSA, Somaliland - Doorashada Madaxtinimo ee Somaliland, ayaa sanadkan ka duwan kuwii hore, madaama Olole adag uu dhex marey musharaxiinta xisbiyada u tartamaya xilka Madaxweynaha maamulka gooni isu taaga ah, gaar ahaan Kulmiye iyo Wadani.

Warsidaha Garowe Online oo u kuur-galay Doorashada, ayaa ogaaday in musharaxiinta labada xisbi lacag fara badan kaga baxdey tartankaan taasoo saameyn ku yeelaneysa natiijada codbixinta.

Xog-ogaal la socdo sida doorashada u dhacayso ayaa GO u sheegay in qabiilka uu saameyn weyn ku leeyahay doorashada, madaama taageerayasha Xisbiyada u ku kala suntan yihiin musharaxiinta dhinacyada Herdamaya marka loo eego qaab degaan iyo siyasadeed.

Tani ayaa waxay cadeyn u tahay in xisbi kasta uu ogyahay codadkiisa iyo meelaha uu ku awood badan yahay, iyo goobaha taageeriyaashiisu ku yar yihiin.

Musharaxiinta ayaa is dhaafsaday eedeymo culus, oo midba midka kale ku eedeeyay inuu qabiil salka la galay iyo arrimo kale, iyadoo arintaasi ay ka digeen Gudiga Doorashada, Culimada, Madaxda talada haysa hadda, iyo kuwii hore oo sheegay inay khatar gelinayso xasiloonida iyo wadajirka Somaliland.

Codbixiyaasha ayaa ka ambabaxayay labadii maalmood ee ugu dambeeyay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, iyagoo u socdaalaya dhanka deegaanada ay iska-diiwaan geliyeen, iyadoo sida Wararka sheegayaan dhaqaalaha ku baxaya baabuurta  daabulaysa iyo goobaha ay degi lahaayeen ay bixinayaan Xisbiyadu.

Qof kasta oo codbixiye ah wuxaa ku khasaban yahay u inuu ka codeeyo goobta laga diiwaan-geliyay markii hore, taasoo sahleysa in xisbiyadu ogaadaan si sahlan degaanada tageerayashoodu ku xoog badan yihiin ama qayb ka yihiin.

Dadka isku diiwaan-geliyay inay codadkooda dhiibtaan waxaa lagu qiyaasay 700,000 (Todobo boqol oo kun), iyadoo taasi ka dhigayso doorashada in xisbi walba og-yahay  codadka uu helayo.

Tirada lagu kala adkaan karo ayaa dadka la socda arimaha doorashada GO u sheegeen iney u dhexeyn doonto 100,000 (Boqol Kun) illaa 200,000 (Labo Boqol oo Kun) qof. Waxaa codbixinta kadib, imtixaanka ugu weyn yahay in xisbiyadu aqabalaan si Nabad galyo ah natiijada codbixinta.

Wararka Doorashada Somaliland laga helayo ayaa sheegaya inay aad u adagtahay in la saadaaliyo musharaxa ku guuleysan doono talada ugu sareysa maamulkaasi, maadaama uusan horey u jirin cabir dadweynaha lagu waydiinayo halka codkoodu jiro.

” Hay’adaha iyo ururada madaxa banaan way ka gaabsadeen iney sii saadaaliyaan halka codku u badan yahay labo arimood dartood, midda kuwaad waa iyagoo ka baqaya in ay abuuraan xasaasiyad dadka dhexdiisa ah iyo iyagoo baqdin ka qaba in xisbiyada sadaalintaas aysan u fiicneyn in talada wadanka qabsadaan.” Sidaas waxaa GO u sheegey Cabdirizaq Cismaan Cali oo ka mid taageerayasha xisbiyada tartamaya.

Dhinaca kale, Shirkadda Isgaarsiinta Telesom ayaa fariin u dirtay macaamiisheeda, taasi oo ay ku wareglinayso in adeegeeda uu shaqeyn doono inta ay socoto doorashada, xilli Gudiga doorashada uu sheegay in 4 maalmood Internet-ka guud ahaan Somaliland hawada laga saari doono.

Lama oga sababta ay Telesom u jebiyay go'aanka Gudiga Doorashada, balse Xog-ogaal ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in mudooyinkii dambe uusan wanaagsanayn xiriirka shirkadda kala dhaxeeyo xisbiga Kulmiye, ee talada haya.

Natiijada doorashada Somaliland oo lagu  dhawaaqi doono 17-ka November, ayaa waxaa indhaha ku soo eegaya dhamaan wadamada caalamka kuwooda daneeya siyaasada Geeska Afrika iyagoo maamulkaas u furi doona shacabkooda bogg cusub hadii ay ku guuleystaan in hogaamiyahooda ku soo doortaan si Nabad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM