Shiinaha oo si kulul uga hadlay xafiiska Taiwan ka furatay Hargeysa

Image

BEIJING, China – Dowladda Shiinaha ayaa mucaaradnimo xooggan waxay ka muujisey xafiis wakiileedka Taiwan ay shalay oo Isniin ahayd ka furtay magaala madaxda maamulka Somaliland ee Hargeysa.

Zhao Lijian, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada xukuumada Beijing, ayaa hoosta ka xariiqay in Taiwan ay wali tahay qeyb kamid ah dhulka China, aysana jirin cid kale oo xiriir la sameyn karta.

Sidda laga soo xigtay Lijian, China ayaa kasoo horjeeda nooc walba oo xiriir toos ah ay ku yeelanayaan "gobolada" Taiwan iyo Somaliland.

"Dunida waxaa ka jirta hal China, Taiwan waxay si muqadas ah ay u tahay gobol kamida dhulweynaha Shiinaha," ayuu Talaadada maanta ah u sheegay saxaafada maxaliga ah ee ka howlgasha China.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Aduunka wuxuu aqoonsan yahay isla markaana ku dhigan xeerarka caalamka ayna heshiis ku galeen Beesha Caalamka mabaa'di ku saleysan in ay jirto kaliya hal China".

"Isku day walba oo Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Taiwan ku doonayo in uu ku kala qeybiyo China wuxuu kusoo dhamaan doonaa fashil," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay afhayeenka Zhao Lijian.

Somaliland iyo Taiwan oo gooni u goosad ah balse dunida aqoonsaneyn ayaa horaantii sanadkan 2020 u gaarey heshiis, talaabadaas oo dowladda Mareykanka si weyn ugu sacaba-tuntay.

Mareykanka oo kamid ah xulafadda caalamiga ah ee taageera arrimaha Soomaaliya ayaa xilaaftan uu kala dhaxeeya Shiinaha, waxaana uu aad ugu dhow-yahay Taiwan si cadaadis u saaro xukuumadda Beijing.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM