Somaliland: Kulmiye iyo Waddani oo qabyaalad lagu eedaayay

Image

HARGEYSA, Somaliland - Musharaxa Xisbiga UCID, Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay Xibiyada loolanka kula jira ee Kulmiye iyo Waddani inay ku dhaqmayaan qabyaalad qaawan.

Feysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in midnimada iyo Nabada Somaliland ay qal-qal gelayso hadii Kulmiye ama Waddani midkooda ku guuleysto Kursiga, wuxuuna ka codsaday shacabka inaysan codkooda siinin.

"Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani way ka duwan yihiin doorashooyinkii hore, waayo sanadkan waxay ku dhaqmayaan qabyaalad khatar gelinaysa midnimada iyo xasiloonida Somaliland," ayuu yiri Feysal.

Musharaxa UCID oo maanta oo Isniin ah boqolaal taageeriyaashiisa ah kula hadlayay Fagaaraha Beerta Xurriyada ee magaalada Hargeysa, ayaa balan-qaadey in hadii isaga la doorto isbedel keeni doono.

Wuxuu Musharax Feysal Cali Waraabe ka dalbaday dadweynaha reer Somaliland inay codkooda siiyaan sanadkan, oo markii saddexaad u tartamayo xilka Madaxweynaha.

Doorashada Madaxtinimada Somaliland ayaa la filayaa inay dhacdo 13-ka bisha Novermber, 2017, iyadoo ay xilka u tartamayaan Kulmiye, Waddani, iyo UCID, oo musharaxiintooda hadda olole ku jira.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM