Somaliland oo joojisay wadahadalladii DFS, dacwadna ka gudbinaysa

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inay hakiyeen wadahadalladii la qorsheynayay inay la galaan dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu soo baxay khilaaf cusub.

Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay dib u dhigeen mudo bil ah wadahadalladii la filayay in bishan ay ku yeeshaan Jabuuti Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.

"Wadahadallada kama noqon, laakiin waqtigan xaadirka ah duruuftii saamaxaysay ma jirto, sidaasi darteedna dib baan u dhignay mudo bil ah, waxaynu eegeynaa bisha markii ay dhamaato inaan la galayno iyo inkale," ayuu yiri Dr Sacad Cali Shire.

Dhanka kale, Wasiir Sacad ayaa sheegay in ay warqad dacwad ah oo ka dhan ah dowladda Federaalka ay u gudbinayaan Jaamacadda Carabta, taasi oo ay Somaliland ku muujinayso mowqifkeeda ku aadan heshiiska Berbera.

Wuxuu sheegay Dr Sacad in Dekedda Berbera ay ku taallo Somaliland, oo uu sheegay inay tahay dalka madaxbanaan, oo leh dastuur iyo hay'ado sharci u gaar ah, islamarkaana aan laga xukumin Muqdisho.

"Waxa laga hadlayo waa Dekedda Berbera, Dekedda Berberana Somaliland bay ku taallaa waxaana lagu xukumaa Dastuurkeena, Federaalka ma xukumo, cid kaloo nagu qabsan kartana ma jirto," ayuu yiri Sacad.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa yimid, maalmo kadib markii Dowladda Federaalka ay Dacawad ka dhan ah Heshiiska saddex geesoodka dekedda Berbera u gudbisay Jaamacadda Carabta.

Heshiiska Berbera, oo ay wada gaareen Somaliland, DP World iyo dowladda Itoobiya, ayaa waxa lagu saxiixay horaantii bishan magaalada Dubai xilli uu Ra'iisul Wasaare Khayre ku sugan yahay Imaaraadka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa 8-dii bishan si kulul uga hadlay diidmada dowladda Federaalka Soomaaliya ee Heshiiska Berbera, isagoo go'aanka Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre ku tilmaamay daan-daansi dagaal iyo duulaan lagu soo qaaday Somaliland. Halkan ka Daawo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM