Xisbiyada Somaliland oo shuruud adag ku xiray la kulanka Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xisbiyadda mucaaradka ah ee Somaliland ayaa ka jawaabay martiqaadkii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ku aadanaa in ay wada-hadalo ka yeeshaan doorashooyinka.

Biixi oo shalay ka hadlay xaflad lagu qabtey Hargeysa ayaa sheegay in shirka uu codsaday looga doodi doono "xal waara" oo ku wajahan doorashooyinka muranka dhaliyey.

Doorashooyinka degaanka iyo baarlamaanka Somaliland ayaa lix-jeer dib loo dhigay lixdii sano ee u dambeysay.

Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID, oo war-fidiyeenka u waramay, ayaa ku adkeystay in aysan la kulmi doonin Biixi inta ay xukuumadiisa ka qabaneyso doorashooyinkaas.

Isagoo dhinaciisa uu taagan yahay Cabdiraxmaan Cirro, hogaamiyaha xisbiga Waddani, Faysal Waraabe ayaa ku sifeeyay Muuse Biixi "hogaamiyaha hadalkiisa iyo ficilkiisu aanu isku mid ahayn".

"Labadaas sano dalku hayey, khudbadaha uu akhrinayo iyo ficilkiisa isma leh. Waa madaxweynihii ugu horeeyay ee ina soo maraya oo wuxuu ku hadlayo iyo wuxuu sameynayo kala duwan yihiin," ayuu yiri.

Hogaamiyaha xisbiga UCID ayaa ku tilmaamay "musiibo weyn" in Muuse Biixi Cabdi ay kasoo if-baxaan astaantaas.

Xukuumadda Biixi ayaa ku guuldareystay in ay qabato doorashooyinka labadii sano ee lasoo dhaafay, inkasta oo ay cuksaneyso diidmo ka timid xisbiga Waddani oo qaadacay Guddiga Doorashooyinka.

Waddani ayaa ku doodey in xubin ku jirta Guddiga ay ka tirsan tahay xisbiga KULMIYE oo taladda haya, wallow xisbul-xaakimku beeniyey.

"Hadii madaxweynuhu doorasho diido, dimoqraadiyadii waa dhimatay," ayuu raaciyey: "Waxaan u sheegeynaa, in xilkiisa iyo doorashooyinka isku xiran yihiin, talaabooyin kursigiisa ku aadan baanu qaadeynaa".

Ugu dambeyntii, Faysal Waraabe ayaa ku dhawaaqay in xisbiyadda mucaaradka ay si ku meel gaar ah u hakiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay xukuumadda Biixi illaa iyo ay ka qabaneyso coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM