Xisbiyadda Somaliland oo heshiis cusub ka gaarey doorashooyinka

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xisbiyadda mucaaradka maamulka Somaliland ayaa Axada maanta ah baahiyey heshiis ay sheegeen in ay ka gaareen doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka.

Heshiiska oo kasoo baxay kulamo muddooyinkii u dambeeyay u socday ayaa nuxurkiisu yahay afar qodob oo ay tibaaxeen in ay xal u yihiin khilaafka ka taagan coddeynta baaqatay muddo lix jeer ah.

Sidda lagu caddeeyay war-saxaafadeedka, heshiiskaan ayaa bedelaya kii ay kala saxiixdeen 27-dii bishii lasoo dhaafay ee Febraayo kadib markii qodobo ku jiray oo la bedelay ay fulintiisu fashilantay.

Hoos ka bogo qodobada ugu muhiimsan heshiiska

1) In Guddiga doorashooyinka ay u madax bannaan yihiin Gudashada wajibaadkooda ku aadan howlaha doorashooyinka.

2) Xubnaha Guddiga doorashooyinka ay ka koobnaan doonaan Saddex Xusbnood oo ka socda Beesha Caalamka iyo Xubnihii guddigii hore ee doorashooyinka marka laga reebo labada xubnood ee kuwa hadda jira lagu daray.

3) In Guddiga doorashooyinka ay kusoo diyaariyaan waqtiga doorashooyinka Golayaasha wakiilada iyo kuwa degaanka muddo ku sima 14 Cisho , iyaga oo tixgelinaya in doorashooyinka qabsoomaa sanadkaan 2020.

4) In kuraasta Gobolada ee Golaha Wakiilada doorashada soo socota ay noqdaan sidii ay u dhaceen doorashooyinkii Golaha Wakiilada ee sanadkii 2005.

5) Saddexda Xisbi waxaa ay ku heshiiyeen in torakoob qaran laga sameeyo guud ahaan degaannada Somaliland kadibna la qabto Doorashada Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Beesha Caalamka ayaa kaalin weyn ka qaadatay heshiiska ay kala saxiixdeen daneeyeyaasha doorashadda Somaliland kuwaas oo ku guuldareystay in ay si iskooda ah is-ogol uga gaaraan muranka.

Hoos ka akhriso heshiiska oo dhameystiran

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM