Cayaartoy katimid Melbourne oo Garoowe gaaray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Kooxaha kubadda cagta iyo dhalinyarada Magaalada Garoowe ayaa soo dhaweyn u sameeyay Cayaartoy katimid waddanka Australia gaar ahaan magaalada Melbourne kuwaasoo socod ku marayay dalka Soomaaliya.

Dhalinyarada oo sannadkii 2aad booqanaya Puntland ayaa socdaal dhinac lugta ah kusoo maray Boosaaso ilaa Garoowe, waxayna kusoo hakadeen magaalada Qardho oo ay saaka kasoo amba baxeen.

Waxaa la filayaa inay cayaar kubadda cagta ah isaga hor yimaadaan Galabt Sabtida Kooxda Horseed ee ciidamada Qalabka sida ee Puntland.

Dhalinyarada magaalada Garoowe oo qaatay doorkii soo dhaweynta wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland, ayaa Kooxdan casho soo dhaweyn ah kula qaatay gudaha magaalada.

Mudadii lagu guda jiray soo dhaweynta kooxdan ma jirin cid katirsan dowladda oo u timid ama ka dhex-muuqatay markii ay soo gaareen Garoowe, balse magaalooyinkii kale sida Qardho iyo Boosaaso waxaa hormuud u ahaa maamulka magaalooyinka iyo gobolladii ay tageen.

Lama oga sababta keentay in doorkii dowladda uu maqnaado, inkastoo sannadkii hore si wanaagsan loogu maamusay Puntland gaar ahaan Garoowe iyo Eyl oo ahayd goobta kaliya ee ay booqdeen.

Guddoomiyaha kooxda ayaa sheegay inuu bogaadinayo sida sharafta leh ee dadka reer Garoowe markii 2aad usoo dhaweynayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee matalaysa Melbourne.

Qaar kamid ah maamulka Kooxdan oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in booqashadan Dhalinyaradan ee magaalada Garoowe ay qaadan doonto hal maalin islamarkaana ay usii safri doonaan dhinaca Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM