Ciyaariyahan Robinho oo lagu xukumay 9 sano oo xabsi ah

Image

GO SPORTS - Ciyaariyahankii hore ee kooxda AC Milan Robinho ayaa lagu xukumay 9 sano oo xabsi ah, kadib markii uu fal kufsi ah kula kacay haweeneey sanadii 2013. 

Maxkamada ku taalla dalka Talyaaniga ayaa 33 jirkan reer Brazil ayaa xukunkan ku riday, waxaana baaritaan uu ku socdaa 5 qof oo kale oo iyaguna la sheegay in falkan ay ku lug yeesheen. 

Robinho ayaa fal kufsi kula kacay haweeneey u dhalatay dalka Albania oo xiliga falkan lagu kala kacayay ku nooleyd magaalada Milan ee dalka Talyaaniga. 

Kufsiga ayaa dhacay xilli habeen ah oo gabadha iyo Robinho ka soo wada baxeen meel ay ka soo cunteeyeen. 

Robinho ayaa 2015 isaga tagay kooxda AC Milan kadib 5 sano oo kooxdaasi uu la joogay waxaana uu haatan u ciyaaraa kooxda Atletico Miniero oo ka dhisan dalka Brazil. 

Robinho ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Instagram-ka ku sheegay in uu naftiisa difaacay isla markaana uusan ka qeyb ka qaadan falkan lagu eedeeyay taa oo uu sheegay in sharaftiisa dhaawac ay u geysatay. 

Robinho ayaa xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxda Santos ee dalka Brazil waxaana uu ku guuleystay 2 horyaal oo Laliga ah  kadib 4 sano oo uu la joogay kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Real Madrid. 

Sidoo kale, xidigan ayaa 2 sano ku qaatay garoonka Etihad ee kooxda Manchester City. 2008 ayuu ku biiray kooxdaasi imaanshaha Robinho ayaa imaaday Manchester City oo isla sanadkaasi uu iibsaday maal qabeenka lagu magacaabo Sheikh Mansour. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM