Dad badan oo lagu xirxiray dalka Turkiga

Image

Ilaa 2,839 askari oo Turki ah oo ay ka mid yihiin saraakiil sare oo ayaa loo xiray isku daygii afgambiga oo hadda dhamaaday sida uu sheegay Rai’sal wasaaraha dalkaas Bin Cali Yildirim.

Wuxuu sheegay in ay dhinteen 161 ruux 1,440 ay ku dhaawacantay habeen uu ku tilmaamay bar madaw oo fuushay dimuqraadiyadda Turkiga. 

Qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlay magaalada Ankara, Istanbul iyo meelaha kaleba xalayto. 

Kumanaan dad ah ayaana adeecay baaqii madaxwayne Erdogan ee ahaa in ay diidaan oo ka hor tagaan dadka inqilaabka raba. 

Askar Turki ah oo Giriiga iska dhiibay Dawladda Giriig ayaa sheegtay in ay xirtay sideed nin oo dalkeeda ku soo gashay diyaarad millatari oo ah kuwa qumaatiga u kaca. 

Diyaaraddaasi ayaa ku soo dagtay magaalada Alexandroupolis oo ku taala dhanka waqooyi. 

Dadkaas ayaa Giriiga ka codsaday magangalyo siyaasadeed. Laakiin wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in dawladdiisu ay waydiisan doonto in loo soo celiyo. 

Ma cadda cidda ka dambaysay afgambigaas Madaxwayne Rajab Dayib Erdogan ayaa ku tilmaamaysae “nidaam kuwan la mid ah” kaas oo uu si cad ula jeedo wadaad Fettllah Gulen la dhoho oo ah wadaad ku sugan dalka Maraykanka, kaas oo uu ku eedeeyay in uu hurinayo daganaansho la’aan.

Si kastaba ha ahaatee qoraal uu soo saaray Gulen ayuu ku diiday in uu wax lug ah ku leeyahay dhacdadan, wuxuuna sheegay in uu si wayn u cambaaraynayo afgambiga dhicisoobay ee Turkiga.

Erdogan oo sheegay in uu isagu dalka ka taliyo Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa ka soo muuqday magaalada Istambul isaga oo diiday in uu wax afgambi ah ka dhacay dalkiisa.

Ciidammo hubaysan ayaa markii hore sheegay in ay la wareegeen xukunkii. Waxaase la arkay Madaxwaynaha oo ay ku hareeraysan yihiin taageerayaal soo dhawaynaya. 

Isaga oo si toos ah uga hadlay Telefeshin ayuu sheegay in isku dayga afgambigu uu yahay "khayaano qaran". Erdogan ayaa sheegay in kuwa ka dambeeyay afgembiga u muuqda inuu dhicisoobay, ay muteysan doonaan ciqaab adag.

Waxa uu intaa ku daray in hadda loo baahan yahay “nadiifinta ciidanka qalabka sida ee dalkaasi”.

sarkaal dawladda u hadlay ayaa sheegay in 90 ruux la dilay oo ay ka mid yihiin 47 shacab ah, 1154 ay dhaawacmeen. Dawladdu waxay sheegtay in ay xidhay 1500 oo ka mid ah millatariga dalkaas kuwaas oo ka mid ah kuwa afgambiga ka dambeeyay. 

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim, ayaa sheegay in xaaladda dalka ay “inta badan gacanta ugu jirto dowladda” kaddib markii ay qeyb ka mid ah milateriga sheegeen in ay la wareegeen xukunka dalka.

Wuxuu amray in la soo rido diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ay adeegsanayaan dadka doonaya afgambiga. 

Waxaa hadda hawada dib ugu soo laabtay telefishinka ay dowladda leedahay ee TRT, kaasoo ay ciidanka gadoodsan ka jeediyeen fariintooda. 

Weriyaha warka baahisay ayaa sheegtay in qori lagu hayay marka ay akhrineysay.

Kumannaan qof oo diidan isku-dayga afgembi ayaa isugu soo baxay wadooyinka Istanbul iyo Ankara.

Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in 17 askari oo boolis ah lagu dilay xarunta ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Ankara. 

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa telefoonka kula hadlay dhigiisa Turkiga, waxaana uu u sheegay in Maraykanka uu taageersan yahay dowladda dimuqraadiga ah ee Turkiga. Waxaa taageera noocaasi ah Turkiga u muujiyay dalalka Jarmalka, Ruushka, iyo Qatar.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM