Musiibada Nigeria
Ugu yaraan 24 qof oo ku dhintay doon siday dad ka qeybgalayay aas oo ku qalibantay Nigeria
Afhayeenka Hay’adda Maareynta Gurmadka Degdegga ah ee Nigeria (NEMA), Manzo Ezekiel, ayaa Sabtidii sheegay in meydadka 24 qof laga soo saaray goobta shilka, iyadoo ay weli socdaan howlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta.