Faroole: Garowe waa caasimadii PL, horumarkeeda cid gaar uma aha

Image

GAROWE, Puntland – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud [Faroole] ayaa waxa uu ka hadlay sare u kaca dhanka bulshadda ah ee ay sameysay caasimadda dowladda Puntland ee Garowe.

Madaxweynihii hore ee Puntland ahna haatan xubin ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ayaa dadka haatan ku nool Garowe waxa uu ku tartarsiiyey in ay horumar qayb ka noqdaan.

"Magaaladan way ka kortay waagii ay ahayd degmo ay beel u badneyd, hadane tarobo bay ku socotaa, waa magaalo dhexe, caasimadii Puntland weye, dadkoo dhan bay ka dhaxeysaa ka qayb-qaadashadeeda cid gaar uma aha waa loo siman yahay, cid kastana waajib ku tahay, cid kastana way degan tahay, cid kastana meesha ay ka degto iyo waxay ka qabato bey ku qiimeysan tahay, wixii dhibaato ahna loo kala wajaho sida loo kala mudan yahay, waxaana rajeynayaa in sidaasi loo garto," ayuu ka yiri munaasabad uu xalay uga qayb-galay magaaladda.

- Isbedel –

Soomaaliya waxaa si rasmi ah uga taabogalay nidaamka federaalka kaasi saddex maamul u kala qeybinaya dalka oo kala ah; dowladda federaalka, dowladaha xubinta ka ah federaalka iyo dowlad degaanadda.

Balse maamuladda qaarkood waxay haatan leeyihiin dowladdo hoose. Hasayeeshee, Senator Faroole oo arrintaasi dul-istaagey ayaa wuxuu soo jeediyey in isbedel lagu sameeyo.

"Dalka wuxuu u kala qeybsan yahay saddex maamul oo saddex heer ah. Heer federaal ah, heer gobolo ah ama walaayad, dowlad goboleedyo bey yiraahdan laakiin dastuurka waxaa ku qoran dowladaha xubinta ka ah federaalka iyo heer dowladaha degaanka magacaasi in laga bedalo ayaan qabaa dowladaha hoose oo xeer Lamber todoba ku dhisan," ayuu xusay.

Isaga oo sharaxaya awoodaha uu dastuurka siiyey dhinacyadaasi ayaa waxa uu daba dhigay: "Mid walba wuxuu leeyahay awood sharci oo marka uu shaqo qabanayo sharci dejiyo. Dowladaha degaanka iyaga oo shaqadoodii qabsanaya ma hoos-yimaadan dowlada federaalka. Waxay xiriirkooda iyo howshooda ka hoos-fushanayaan dowladaha xubinta ka ah federaalka. Laakiin waxay u madax banaan yihiin wixii horumarin ah oo degaankooda ka fushanayaan iyaga oo u sameysanaya shuruuc.

Mudadii ay socotay munaasabada waxaa kasoo qeybgalay mas'uuliyiin ay kamid yihiin madaxda gobolka iyo golaha degaanka degmada Garowe oo soo bandhigay caqabadaha haysta iyo sida ay wax uga qabanayaan.

"Aad baan ugu farax-sanahay in ay soo bandhigayaan dhibaatooyinka haysta. Hadii la yiraahdo xoog wax ha lagu fuliyo dowlada dhexaa [maamuladda tusaale ahaan Puntland] ayaa fulineysa oo ciidankeedii ayaa fulinaya. Gudoomiyaha gobolka isagaa ah gudoomiyaha guddiga nabad-gelyadda oo wargelinaya dowladda, waxa loo baahan yahay iyo cida qabaneysa," ayuu xusay Faroole.

Maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe ahna caasimada dowladda Puntland ayuu ku booriyey in ay sameystaan guddi farsameyaqaano iyo khabiiro ah kana soo talobixiya hanaanka daadejinta maamulka.

Puntland oo la aas-aasey 1-dii Agoosto 1998-dii, sanad kadib burburka uu haatan dalka kasoo kabanayo, aadna ugu horeysay nidaamka dowladiga iyo federaalka ayaa waxaa "darsi ku saabsan sida hay’addaha dowlada ee maamulkan u dhisan yihiin ka qaata maamulada kale ee dalka ka jira".

MUUQAALKA SENATOR FAROOLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM