​Madaxweynaha Puntland oo u safraya Ethiopia

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa lagu wadaa inuu u safro dalka Ethiopia todobaadka soo socda, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen saraakiil ka agdhow Madaxtooyada.

Gaas, ayaa maalinta Sabtida ee fooda nagusoo haysa u duuli doonta magaalada Addis Ababa, halkaas oo la sheegay inuu kula ballansanyahay madax katirsan dowladda Ethiopia.

Lama oga ujeedka rasmiga ah ee socdaalkaasi ku qotomo, balse warar madax bannaan ayaa sheegaya inay la xiriirto doorashada dalka Somalia ee la filayo inay dhacdo dabayaaqada sannadkan.

Madaxda maamul goboleeyda ayaa muddooyinkii dambe looga yeeray xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa, halkaasoo ay kula shirayeen madax kala duwan.

Madaxweynaha Puntland, ayaa dhawaan sii maray xilli uu ku socday dalka Imaaraadkaa, isagoo halkaas kula kulmay madax shirakaad iyo kuwa dowladeed kuwaasoo aysan xog rasmi ah ka hayn shacabka Puntland.

Socdaalkan ayaa kusoo aadaya xilli abaar baahsan ka jirto deegaanada Puntland iyadoo xukuumadda lagu dhaliilayo dadaal yari ku aadan sida ay uga falcelisay xaaladda taagan.

Gaas ayaa sidoo kale socdaalkii ugu badnaa ku aaday dalka Ethiopia mudadii uu hayay talada Puntland, wuxuuna marka uu ka hadlayo safarkiisa xusaa inuu la xiriiro iskaashiga Ganacsiga iyo Amniga laada dhinac, hadana ma muuqato miro dhalka arrimahaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM