Mareykanka oo sare u qaaday baacsiga Daacishta Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland – Mareykanka ayaa dardargeliyey duqeymaha ka dhanka ah maleyshiyaadka Daacish ee ku dhuumaaleysanaya degaanada buuraleyda ah ee hoos-yimaada dowladda Puntland.

Todobaadkii hore, milatariga Mareykanka ayaa shaaciyey in 17 kamida kooxda la magac baxday dowlada Islaamka ay ku dilay duqeyn dhanka cirka ah oo uu ka fuliyey buuraha Golis ee gobolka Bari.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen saraakiil ka tirsan wasaaradda amniga, howlgalka ayaa ka fuliyey tuulada Camayra, gaar ahaan Ceel-biyood ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha ISIL.

"Howlgalka koowaad ee buuraha Golis oo la fuliyey 8-dii May waxaa lagu dilay 13 argagixiso, halka duqeynta labaad oo maalintii xigtay la qaaday waxaa ku dhimatay afar," ayay tiri wasaarada amniga Puntland.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa war-saxaafadeed ku yiri: "Waqti xaadirkaan, ma hubno hadii ay jiraan waxyeelo soo gaaray dad shacab ah, balse waan baari doonaa hadii ay soo baxaan".

Duqeyntii ugu dambeysay ayaa noqonaysa tii afaraad oo kaliya sanadkaan uu Mareykanka ka fuliyo degaanada Puntland. Mid kamida, howlgaladaasi waxaa lagu dilay hogaamiye ku xigeenkii kooxdaasi.

Cabdixakiin Dhoqob, oo aad ugu dhawaa madaxda maleyshiyaadkaasi, Cabdiqaadir Muumin, ayaa u qaabilsanaa xoogagaan soo uruurinta dhaqaalaha, isaga oo horey uga soo goostay Al-Shabaab.

Inkasta oo ISIL ay tahay tan ku xoogan degaanada Puntland, balse ma ahan kaliya kooxaha argagixisada ah ee maamulkaasi dhaca Waqoyga Soomaaliya ku sugan.

Xarakada xiriirka la leh Ururwaynaha Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa sidoo kale degaanada buuraleyda ah ku leh joogitaan, inkasta oo inta badan xubnaheeda ay u baxsadeen dhinaca Daacish.

Kooxahaan ayaa dhowr jeer waxaa dhex-maray dagaalo kharaar oo ay isaga dileen Jihaad-aloosyaal, taasi oo ka dambeysay markii ay isku qabteen gacan ku haynta tuulooyin Istaraatiiji ah oo gobolka Bari ka tirsan.

Sare u qaadida Mareykanka ee duqeymaha ayaa imaaneysa xili xukuumada Deni ay wacad ku martay in ay xididaha u siibeyso kooxaha argagixisada ah ee halista ku ah horumarka degaanada maamulkaasi.

Sidda ay aaminsan yihiin khabiirada dhanka amaanka, tani ayaa si lamid ah waxa ay qayb ka ah amar madaxweyne oo uu dhowaan siiyey Trump ciidamada dalkaasi u jooga Soomaaliya oo ah in ay kordhiyaan howlgalada.

Ku dhowaad 800 dagaalameyaal ah oo ka kala tirsan Daacish iyo Al-Shabaab ayuu Mareykanka ku dilay Soomaaliya tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Donald Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM