Markab lagu haystay xeebaha Puntland oo lasii daayay

Image

BOSASO, Puntland- Wararka ka imaanaya deegaanka Xaabo ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in koox Isniintii lasoo dhaafay af-duub u gaysatay markab ku gooshayay Calanka Sri Lanka ay isaga dageen xilli galinkii hore maanta shaqaaqo dhex-martay iyaga iyo ciidamada Badda Puntland.

Taliyaha ciidamadaas Admiral Cabdirasaaq Diiriye, ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan markabkan oo siday shidaal iyo bagaash ay lahaayeen Somalia.

Wuxuu intaas ku daray inay bad-qabaan dadkii sarnaa oo tiradoodu gaarayso 8 qof.

Sababta keentay inay sii daayaan Markabkan ayaa ilaa hadda faah faahin dheeraad ah laga bixin.

Warsidaha GO, oo soo xiganaya mid kamid ah dadka af-duubka gaystay oo magaciisa ku koobay Cabdullaahi, ayaa tallaabadan ku macneeyay inay qaadeen kadib markii ay ogodeen in xamuulka saaran  ay leeyihiin dad shacab ah iyaguna ujeedkoodu ahayn inay cid dhibaateeyaan balse ay difaacanayeen biyahooda oo qura.

Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya in raggan ka dageen Markabka kadib markii ay go’doomiyeen ciidamada Puntland oo maanta shaqaaqo kooban kala kulmay kooxdaas, taasoo kaliftay dhaawaca labo as-kari.

Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii af-duubka gaysatay aan gacanta lag dhigin.

Dadka deegaanka ayaa laftigooda dadaal ku bixiyay sidii loo sii dayn lahaa Markabkan ay maamusho shirkad Imaaradka fadhigeedu yahay.

Falalkan lama xaqiijin inuu bur-cadnimo salka ku hayo, balse goor sii horaysay waxay warbaahinta u sheegeen inay inay kasoo horjeedaan jariifka lagu hayo Badda iyagoo iska fogeeyay inay xiriir la leeyihiin Burcad.

Midowga Yurub howlgalkiisa la dagaallanka Burcadda, ayaa baahiyay todobaadkan in xubnahaas dalbadeen lacag madax furasho ah oo aan cadadkeeda la shaacin.

Waa markii ugu horaysay oo xeebaha Puntland laga af-duubka Markab shisheeye wixii ka dambeeyay 2012 xilligaas oo lasuuliyay falalkii burcad-badeeda.

Aris 13 ayaa isniintii lasoo dhaafay la qafaashay isagoo kusii jeeday magaalada Muqdishu, wuxuuna kasoo shiraacday dalka Jabuuti.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM