Puntland: Nasro Cabdirisaaq oo noqotay Xoghayaha MAP

Image

GAROOWE, Puntland- Xalay goor dambe waxaa xarunta dalxiiska Hido Raac ee magaalada Garoowe lagu soo gaba-gabeeyay doorashada hogaanka sare ee ururka warbaahinta Puntland ee MAP.

Doorashadan oo ah tii sadexaad ee ururkan Qabsado tan iyo aas-aaskiisa kadib, waxaa kusoo baxay ilaa Afar murashax oo kala ah; Guddoomiyaha (Maxamed Daahir Caynsane), ku-xigeenka (Yuusuf Maxamed Maxamud), Xoghayaha (Nasro Cabdirisaaq) iyo Khasnajiga oo laga dhigay Aasiyo Abshir.

Doorashada oo u dhacaysay qaab qarsoodi ah, ayaa ahayd mid ay u simanyihiin ragga iyo dumarku, waxaana qaabka wax u socdaan korjoogtaynayay mas’uuliyiin katirsan ururrada bulshada rayidka ah ee dalka, xubno ka socday Garsoorka iyo dowladda.

Doorashada Xoghayaha ayaa ka duwanayd kuwa kale, oo waxaa loogu codeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii murashaxa jagadaas, Nasro Cabdirisaaq ay wayday cid la tartanta.

91 qof ayaa codeeyay, waxayna heshay kalsoonida 90 kamid ah, waxayna ahayd murashaxii ugu taageerada badnaa ee hoolka doorashada soo galay.

Booskan waxaa horay u joogay Faadumo Maxamed Maxamud oo katirsan wariyaasha Radio Garoowe.

Wariye Nasro oo muddo kusoo jirtay mihnadaan, ayaa kamid ahayd dadkii ay soo saartay warbaahinta Radio Garowe ilaa ay kasoo noqotay Agaasime. Waxay sidoo kale lasoo shaqaysay BBC-da oo ay soo saare ka ahayd barnaamijyo dhowr ah sida; Barnaamijkii Hayaanka Nolosha iyo mid kale oo ka bixi jiray Radio Garowe iyo BBC-da kaasoo la oran jiray Hiigsiga Nolosha.

Xoghayahay cusub ayaa sidoo kale kamid ah Wariyaasha faro ku tiriska ah ee waxbarashada ka gaary heer Jaamacadeed, waxayna sannadkii 2016 kamid ahayd 4 wariye oo katirsanaa Radio Garowe kuwaasoo ka qalin jabiyay Jaamacado ku yaalla magaalada Garoowe.

Dhinaca kale, waa markii 2aad oo isku xiga oo Wariyaal katirsanaa Radio Garowe, xilal sare ka qaybtaan ururkan ay ku midoobeen warbaahinta Puntland.

Radio Garowe, ayaa ahayd xarunta kaliya ee warbaahineed taasoo xalay la sheegay inay si dhow ula shaqaysay ururka MAP saddexdii sano ee ugu dambaysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM