Puntland: Rabshado ka dhacey magaalada Garowe

Image

GAROWE- Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ka dhacey rabshado kooban kadib markii dhalinyaro ka careysan cayaartii galabta laga badiyey kooxda kubbada Cagta maamulka Puntland ay weerareen qaar kamid goobaha ganacsiga ee ku yaal bartamaha magalada.

Dhalinayradaan ayaa isugu yimid inta cayaartaan socotey halka loo yaqaan Barxada magalada Garowe kuwasoo qorsheynayey iney goobtaas ku dabaal-dagaan hadii kooxda  kubadda Cagta Puntland ka guuleysato koobka kubadda Cagta ee tartanka maamulada Soomaaliya.

Goobaha ganacsiga ee ku yaal bartamaha magalada Garoowe ayaa la xirey rabshadahaas kadib iyadoo ciidamada Booliska kala eryeen dhalinyaradaan oo Hakad galiyeen isu socodkii Gaadiidka iyo dadweynaha lugeynaya.

Meelo kamid ah magalada ayaa laga maqley rasaas ciidamada Booliska kor u ridayeen iyadoo aysan jirin khasaare kasoo gaarey dhalinyaradii rabshadaha sameysay.

Shacabka Puntland oo filayey mar hadii gobolka Banaadir kaga adkaadeen cayaartii hore iney si sahlan uga guuleysan karaan maamulka Jubaland ayaa u qaadan kari waayey guuldardii gakabta.

Kooxda ka socota maamulka Puntland oo qaadey horyaalka kubbada Cagta maamulada Soomaaliya sanadkii hore ayaa hadda gashey kaalinta Labaad.

Jubaland ayaa sidoo kale sanadkii hore gashey kaalinta Labaad ee cayaaraha maamulada Soomaaliya iyadoo looga adkaadey cayaarta qaybteeda ku laadista xorta ah kadib markii 90 daqiiqo ee cayaarta ay ku dhamaatey Bar-bar-dhac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM