42 Askari oo loo xiray Weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid [Daawo]

Soomaliya
By Wariyaha Muqdisho , Garowe Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay 40 Askari iyo Labo Sarkaal oo lala xiriirinayo weerarkii maanta oo Sabti ah lagu galay Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale [Cabdi Qeybdiid].

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jeneraal Gorod oo amar ka helay Madaxweyne Farmaajo ayaa tagey xero ciidan oo ku taalla Muqdisho, halkaasi oo uu kala soo baxay Askarta iyo Saraakiisha la eedeeyay.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii lagu qaaday Hoyga Cabdi Qeybdiid, isagoo taliyaha Ciidanka Xoogga dalka amray in la baaro cidii falkaasi ka dambeysay, kadibna cadaalada la horkeeno.

Tani ayaa muujinaya kala qeybsanaanta hogaanka ciidamada xoogga dalka, iyadoo lagu jahwareersan yahay cida amartay howlgalladii gaarka ee bishan ka dhacay Muqdisho ee lagu weeraray Cabdiraxmaan Cabdishkuur iyo Cabdi Qeybdiid.

Xukuumadda iyo Xafiiska Madaxweynaha ayaa inta badan kala hadla markii uu dhaco weerar, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay adeegsiga baraha bulshada, mana jirto hal meel oo loogu hagaago wararka dowladda.

GAROWE ONLINE