Al-shabab oo sheegatey mas'uuliyadad qaraxa hotel Central

Image

MUQDISHO Feb 20,2015 [GO]- Afhayeen u hadley ururka Al-shabaab ayaa u sheegey saxaafada iney ka dambeeyeen qaraxa is-miidaaminta ahaa ee lagu qaadey maanta Hotel ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adeegsadey baabuur qarax ka buuxo iyo qof isa soo miidaamiyey ayaa lagu qaadey hotel Cenral ee ku yaal degmada Xamar Weyne.

"waxaan dilney 20 ka tirsan saraakiisha dowladda gaalowdey, waxey isugu yimaadeen halkaas iyaga oo u maleynaya iney ka badbaadayaan mujaahidiinta." ayuu yiri afhayeen u hadley ururka Al-shabab Cabdulcasiis Muscab.

Weerarkan lala beegsadey Hotel Central ayaa wararku sheegayaan iney ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad isugu jira xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin iyo Ra'isal wasaare ku-xigeenka cusub ee dowlada Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM