Axmed Madoobe oo amar kasoo saarey colaada duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, oo ka hadlay colaadda ka aloolsan duleedka galbeed ee Kismaayo, ayaa ku tilmaamay wax aad looga xumaado.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska agaasinka madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay "in Jubaland ay ka war hayso gacmo kale oo dagaalka sii hurinaya" wallow aan la shaacin.

Sidda ku xusan bayaanka, Axmed Madoobe ayaa amar ku bixiyey in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo hurinta wada, kuna lug leh isla markaana jebisa xabad-joojinta lagu dhawaaqay.

Dhinacyadda dirirtu u dhaxeyso ayuu cod dheer ku faray in ay hogaan-samaan sharciga lana shaqeeyaan hay'addaha ammaanka sugaya iyo wax-garadka nabadeynta ku mashquulsan.

Dagaal beeleedyada oo kusoo laab-laabtey duleedka galbeed ee Kismaayo ayaa lagu waramay in ay salka ku hayaan aanooyin qabiil, daaqsin iyo is-qabqabsi la xiriira dhanka dhulka.

Isku dhacyadii lasoo wariyey todobaadyaddii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen tobanaan ruux oo isugu jiray dhinacyada dagaalamay iyo shacab, iyaddoo dhaawacyo ay jiraan.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya iyaddoo ay isa soo tarayeen baaqyada ka imaanaya darafyo uu kamid yahay madaxweyne Farmaajo oo ku saabsanaa in xal laga gaaro dagaalada.

BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM