Axmed Madoobe oo amar kasoo saarey colaada duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, oo ka hadlay colaadda ka aloolsan duleedka galbeed ee Kismaayo, ayaa ku tilmaamay wax aad looga xumaado.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska agaasinka madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay "in Jubaland ay ka war hayso gacmo kale oo dagaalka sii hurinaya" wallow aan la shaacin.

Sidda ku xusan bayaanka, Axmed Madoobe ayaa amar ku bixiyey in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo hurinta wada, kuna lug leh isla markaana jebisa xabad-joojinta lagu dhawaaqay.

Dhinacyadda dirirtu u dhaxeyso ayuu cod dheer ku faray in ay hogaan-samaan sharciga lana shaqeeyaan hay'addaha ammaanka sugaya iyo wax-garadka nabadeynta ku mashquulsan.

Dagaal beeleedyada oo kusoo laab-laabtey duleedka galbeed ee Kismaayo ayaa lagu waramay in ay salka ku hayaan aanooyin qabiil, daaqsin iyo is-qabqabsi la xiriira dhanka dhulka.

Isku dhacyadii lasoo wariyey todobaadyaddii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen tobanaan ruux oo isugu jiray dhinacyada dagaalamay iyo shacab, iyaddoo dhaawacyo ay jiraan.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya iyaddoo ay isa soo tarayeen baaqyada ka imaanaya darafyo uu kamid yahay madaxweyne Farmaajo oo ku saabsanaa in xal laga gaaro dagaalada.

BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM

Dad rayid ah oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Mas’uuliyiin deegaanka ayaa dadka deegaanka ku booriyay inay ka taxaddaraan safarrada waddooyinka xasaasiga ah.

  • Soomaliya

    04-01-2026

  • 01:08PM