Cawad oo sheegay in Kursigiisa usoo wareejistay Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in kursigiisa uu kasoo wareejistay Puntland, islamarkaana uu doorashadda kusoo galayo sanadkan Galmudug.

Cawad oo ka hadlay kulan Madaxweyne Deni kula yeeshay Muqdisho Xildhibaanada laga soo doorto Puntland ayaa sheegay inaysan ansixin doonin heshiiskii doorashadda, kaasoo Villa Soomaaliya ku saxiixdeen Farmaajo iyo Madaxda Maamullada 17-kii bishan.

"Aniga Kursigeyga Galmudug ayuu transet kusoo yahay Saaxiibada kale ee Puntland isku soo dooranayo hakaa Nabad galaan Madaxweyne,doorasho ayaa loo socdaa Amaan ha la idinka helo,hadii kale heshiiska ma ansixineyno”ayuu yiri Cawad.
 
Gudoomiye ku-xigeenka Gollaha Shacabka ayaa kaftan siyaasadeediisa sidoo kale ugu baaqey Deni inuu kala hadlo Qoor Qoor si aan loogu carqaladeynin dib usoo doorashadiisa kursifa uu ku fadhiyo.
 
Xildhibaanada uu mudo-xileedkooda sii dhamaanayo oo uu Mahad Cabdalla Cawad kamid yahay ayaa walaaca ka qabaan in aysan kusoo laaban doonin kuraasta, maadaama ay qaarkood xiriir wanaagsan uusan kala dhaxeyn madaxda dowlad Goboleedyada.
 
Cabsida Xildhibaanada ayaa sii xoogeysatay kadib markii heshiiska doorashadda lagu soo daray qodob ah in gudi doorasho oo isku dhaf ah uu maamuli doono doorashadda, iyadoo ay Madaxda Maamullada saameyn ku yeelan doonaan.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM