Dastuurka maamulka Kooonfur Galbeed oo la ansaxiyey

Image

Sabti, November 8, 2014 [GO]- Ergada ka qayb galeysay shirka maamul u sameynta Koonfur Galbeed oo ka koobanaan doona sadxeda gobol " Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose" ayaa ansaxiyey Dastuurka.

"Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa dhashey maanta iyadoo laga soo gudbey dhibaatooyin hore iyo kuwa dambe" sidaas waxaa u sheegey saxaafada Maxamad Nuur oo kamid aha ka qayb galayaasha.

Maamulkaan cusub oo ka koobnaan doono sadex gobol ayaa noqon doona midkii sadexaad oo qayb ka noqda dowladaha kamid ah dowlada Federeraalka ah ee Somalia.

Maxamad Nuur oo ka tirsana ka qayb galyaasha shirweynaha lagu ansaxinayey Dastuurkaan ayaa sheegey in ka qayb galeen dad gaaraya 370 qof oo ka socda sadexda gobol.

Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in ergooyinka shirweynahaan ka doodayaan halka ay noqneyso magaalo madaxda maamulkaan cusub iyadoo la sheegayo in hadal haynta u badan tahay degmada Barawe.

Degmada Baraawe oo ah magaalo xeebeed ayaa dhowaan waxaa laga xoreeyey ururka Al-shabaab.

Dhinaca kale khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia iyo Ra'isal wasaaraha Cabdiweli Shiikh ayaa khatar galiyey dhismaha maamulkan oo maalintii shaley aheyd la ansaxiyey Dastuurkiisa.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda dowlada Feedaarlka oo goob joog ka ahaan lahaa shirweynahaan ayaa waxaa dib ugu yeerey Ra'isal wasaaraha Somalia taasoo muran xoog weyn dhalisay.

Gudomiyaha Barlamanka Somalia ayaa ka codsadey Ra'isal wasaraha inuu talabadaan qaado madaama uu cabsi ka qabo in Madaxweynaha maamulka sadexda gobol noqdo Shariif Xasan oo siyaasad ahaan iska soo horjeedaan.

Maamulada Puntland iyo Jubaland oo horey loo dhisey ayaa xiriirka ay la leeyihiin dowlada Federaalka heerer kala duwan soo marey.

 GAROWEONLINE

Related Articles

Dad rayid ah oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Mas’uuliyiin deegaanka ayaa dadka deegaanka ku booriyay inay ka taxaddaraan safarrada waddooyinka xasaasiga ah.

  • Soomaliya

    04-01-2026

  • 01:08PM

Xasan Sheekh oo sheegay in tallaabo militari ay suurtagal tahay inuu ka qaado Somaliland

Inkastoo uu carrabka ku adkeeyay in wadahadalka iyo xal siyaasadeedku ay yihiin ikhtiyaarka koowaad ee dowladda.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 07:55PM