Soomaaliya: Doorashada 2020 oo war cusub laga soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka dalka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim [Xaliimo Yarey] oo ka hadashay doorashada dalka ka dhaceysa sanadka 2020-ka, ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixisay sida ay noqon doonto.

Doorashadda ayaa waxay sheegtay inay noqon doonto nidaamka 'Proportional Representation' taasoo ah mid xisbiyadu ku heli doonan kuraasta Baarlamaanka iyadoo loo eegayo tirada codadka ee la dhiibtay.

Nidaamkan waxaa la sheegayaa in uu ku wanaagsan yahay arrimo badan oo Soomaalida muhiim u ah sida: Saami qeybsi, Matelaada dadka laga tirada badan-yahay iyo Dumarka oo ay u fududaato in la doorto.

Gudoomiyaha waxay shaacisay in noocaan doorashada ah ay tahay mida kaliya ee ku haboon dalalka ay ka jiraan dhibaatooyinka, islamarkaana aan la gaari karin meelaha fog-fog ee dalka, sababo amaan darteeda.

"Maadaama dalkeena ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan oo amniga ugu horeeyo, islamarkaana aan la gaari karin meelaha qaar ee dalka, waxaan go'aan sanay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod oo 'Proportional Representation' ah," ayey tiri Xaliima Yareey.

Dad badan ayaa rumeysan inay dhici karin doorashada "qof iyo cod" sababo badan dartood, laakiin mar arrintaas wax laga weydiiyay Xaliimo Yarey ayaa diiday inay fahfaahin ka bixiso caqabadaha, waxaana ay ku adkeysatay inay qaban doonan.

Xaliimo Yarey ayaa si cad uga soo hor-jeestay inay daaha ka rogtay qorshaha labaad ee u degan, hadii ay dhici weydo nooca doorasho oo ay doonayaan, iyadoo tilmaamtay in hadafkoodu yahay inay ka shaqeeyaan sidii loo hir-gelin lahaayeen doorasho ka duwan midii hore.

"Aniga hadafkeena waa in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod, waxaana leenahay hal hadaf, mana jiro qorshe oo aan ku bedalayno midka hadda noo degsan, laakiin waan ku dadaaleynaa," ayey raacisay Xaliima.

Hadalka Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka, ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Shirkii Amniga Qaranka ee Baydhabo looga dhawaaqay in dalka ay ka dhici doonto 2020, doorasho qof iyo cod ah.

Nidaamka “Proportional Representation” [Metelaadda siman] ayaa ah 4.5-kii hore oo la sharciyeeyay, kaasi oo dadka ay wax ku dooranayaan qaab xisbiga, waxaana tani ay meesha ka saareysaa in Xildhibaanka lagu soo doorto deegaan doorashadiisa.

Xisbiga ayaa ku tartamaya deegaanada nabada ah ee dalka, iyadoo uu codadka uu helo ku qeybinaya kuraasta Baarlamaanka qaab qabiil ku saleysan, oo aan waxbna ka duwanayn midkii hore ee 4.5. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM