Halkee maraysaa Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho?

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo markii uu oo ifbaxay Khilaafka Villa Soomaaliya iyo Gudoomiyahii gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed waxaa la xiray wadooyinka Muqdisho iyo xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyadda ayaa tan iyo Sabtidii hakiyay dhaq-dhaqaaqii iyo shaqooyinkii Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kadib markii uu ku qabtey Thaabit Shir ka dhan ah Siyaasadda dowladda FS.

Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa soo saarey shalay digreeto uu xilkii uga qaaday Thaabit Cabdi Maxamed, gudoomiyihii gobolkka Banaadir, ahna duqa Muqdisho oo musuq-maasuq lagu eedeeyay.

Isla digreetada ayaa xilka loogu magacaabay Eng Yariisow oo ahaa wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda, iyadoo ku xigeeno looga dhigay dhalinyaro ka shaqeynaysay Villa Soomaaliya, taasi oo lagu micneeyay in maamulka gobolka uu galay gacanta dowladda.

Cabsi laga qabo in dibadbaxyo abaabulan ay ka dhacaan Muqdisho, kuwaasi oo lagu taageerayo Thaabit, dowladda waxay ciidamo dul-dhigtay dhamaan degmooyinka 17-ka ah ee uu ka kooban yahay gobolka.

Thaabit markii ay kuu xumaatay xaaladda, oo waxwalba ay farahiisa ka baxeen, waxa uu xalay isagu yeeray guriga uu ka degan yahay Muqdisho warbaahinta, isagoo soo dhaweeyay xil ka qaadistiisa.

Thaabit ayaa sheegay khilaafka maalmahan taagnaa uu ka dhashay laba arrimood oo kala ah xasiloonida iyo nabadgelyada Gobolka Banaadir iyo shirka wadatashiga Nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir oo looga hadli lahaa maqaamka Muqdisho.

Iyadoo tani ay jirto, ayaa Villa Soomaaliya waxay kaloo shaaciyay 19-kii bishan inuu jiro ku xad-gudub lagu sameynayo Dhulka Hantida qaranka ee ku yaalla Muqdisho, iyadoo arinkaasi uu Madaxweyne Farmaajo walaac ka muujiyay.

Go'aanka Thaabit oo ahaa mid ay dad badan filayeen, ayaa qaboojiyay xiisadii siyaasadeed ee ka dhex-taagnayd isaga iyo Villa Soomaaliya, waxaana ku baqay xubno kamid ah dowladda oo u tagey.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, Eng Cabdiraxmaan Yariisow, oo ay wehliyaan Wasirro, Xildhibaanno iyo Taliyeyaal ciidan ayaa gurigiisa xalay kula kulmay Thaabit Cabdi Maxamed.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Boostada Cabdi Cashur, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo uu ka mid yahay Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale ayaa kamid ahaa dadkii la kulmay Thaabit.

Kulanka oo ahaa mid Albaabada u xiran ayaa kusoo dhamaaday isafgarad, waxaana ugu dambeyntii lagu qanciyay Thaabit inuu iska illoobo wixii xurguf ahaa ee isaga iyo Madaxda sare ee dalka dhexmaray, islamarkaana uu si nabad ah ku wareejiyo xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM