Soomaaliya: Dad ku dhintay duqeyn lagu beegsaday xaflad aroos

Image

KISMAAYO, Jubaland – Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen ka gedaal markii weerar dhanka cirka ah lagu beegsaday xaflad aroos oo ka socotay degaan hoostaga maamulka Jubaland.

Duqeynta ayaa ka dhacday tuuladda Dayac-goron, taasoo qiyaastii 40 KM u jira degaanka Diif ee gobolka Jubadda Hoose.

Axmed Salaad Axmed, gudoomiyaha Diif, ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in ka badan tobban ruux ay ku dhaawacmeen falkaas.

Illaa iyo haatan lama ogga, dalka laga leeyahay diyaaradaha duqeynta ku laayey dadkaas shacabka ahaa.

Gudoomiye Axmed, mar su'aal laga waydiiyey cidda iska leh diyaaradaha ayaa wuxuu ku jawaabay "waxaan u maleynaynaa in ay Kenya tahay".

Sidda laga soo xigta Axmed, dadka dhaawaca oo qaarkood xaaladoodu liidato ayaa loo qaadey goobaha caafimaad si loo badbaadiyo.

"Sababta loo bartilmaameedsaday wali ma cadda. Balse, waxay u badan tahay in looga shakiyey Al-Shabaab maadaama ciidamadda maamulka aysan halkaas ku xooganeyn," ayuu raaciyey.

Ma jiro wax war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka maamul goboleedka Jubaland iyo ciidamadda Kenya.

Inta badan gobolada hoostaga Jubaland waxaa si joogto ah howlgal dhanka cirka ah uga fuliya diyaaradaha Mareykanka iyo Kenya, kuwaasoo ka qeyb-qaadanaya dedaalada caalamiga ee baacsiga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM