Weerar culus oo lagu qaadey xero ay leeyihiin ciidamada AMISOM

Image

MARKA, Koonfur Galbeed – Maleeyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerareen saldhig ay gobolka Shabeellaha Hoose ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

Saldhiga la beegsaday ayaa ku yaala degaanka Buufow Bacaad oo hoostaga magaalada Marka.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa guulo ka sheegtay duulaanka oo sababay iska hor-imaad.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan is-rasaaseynta oo kasoo baxay dhanka howlgalka Midowga Afrika.

Illaa iyo haatan lama tirakoobin khasaaraha guud ee labadda dhinac kasoo gaarey dagaalka culus ee dhexmaray.

Maamulka gobolka ayaa ka gaabsaday in uu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo dhacdadaan oo xalay lasoo wariyey.

Bilooyinkii lasoo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, oo qorshuhu yahay in ay sanadka dambe ka baxaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM