Dowladda Ingiriiska oo sarkaal cusub u magacaabatay Somaliland

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Dowladda Ingiriiska ayaa sarkaal cusub oo dhanka gaashaandhiga ah waxay u magacaabatay Somaliland.

Gaashaanle Dhexe Huan Davies ayaa todobaadkan lagu soo dhaweeyay Hargeysa, magaalo madaxda maamulkaas gooni u goosadka ah.

Sidda ku xusan wareegtada, waajibaadka Davies waa in uu ilaaliyo danaha Boqortooyadda UK ee dhanka difaaca Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu bixi doonaa talooyin ku saabsan dhanka ciidamada, sidda ku xusan digreetada lagu magacaabay oo la dusiyey.

Dhanka kale, Huan Davies ayaa shalay la kulmay mas'uuliyiin uu kamid yahay Cabdiqani Maxamuud, wasiirka difaaca Somaliland.

Kulankaas waxaa kasoo dhex-muuqday Stuart Brown, oo ah madaxa Xafiiska Britain ee magaalada caasimada ah ee Hargeysa.

Dhinacyadda ayaa la sheegay in wada-hadalkooda ay diirada ku saareen iskaashi ay yeeshaan dhanka ammaanka iyo gaashaandhiga.

Sikastaba, Somaliland, oo ah maamul sheegta in uu ka madax banaan yahay Soomaaliya tan iyo 1991-dii, ayaanan wali aqoonsi kama helin dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM