Faahfaahin wadahalka u furmi doona Dowlada Soomaaliya iyo Somaliland

Image

NAIROBI-  Iyadoo la filayo in bilowga bisha March wadanka Jabuuti wadahadalo ku yeeshaan Madaxweynaha dowada Federaalka Soomaaliya Maxaamad Cabdulahi Farmaajo iyo Somaliland Muuse Biixi ayaa waxaa warar dheraad ah kasoo baxayaan dhinacyada ku lug leh qabsoomida kulankaan.

Sida warsidaha GO ogaadey wadahadalkaan ayaa waxaa sahlaya hay’ad laga leeyahay dalka Switzerland oo la yirahado “The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD)”.

Hay’adaan oo madaxdeeda uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamad Cabdulahi Cumar ayaa sida xogtaan sheegeyso udub dhexaad u ah diyaarinta kulankaan.

Maxamad Cabdulahi Cumar oo saldhigiisu yahay Nairobi ayaa waxaa wayadaan dambe xiriir dhow uu la lahaa dowlada Federaalka Soomaliya gaar ahaan Siyasiyiinta Somaliland ee xilalka ka haysa Muqdisho.

Wasiirkii hore ee Wasaarada arimaha dibada Somaliland ayaa sidoo kale aad ugu dhow Madaxweynaha cusub ee Somaliland isagoo dhinaca kale isku xira beesha caalamka iyo Muuse Biixi.

Lama yaqaan ajandaha wadahadalkaan oo gogoshooda hore uu dhigey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele balse waxaa hubanti ah in maamulka Muuse Biixi aad u raadinayo in dib loo bilaabo wada-xaajoodkaan.

Dowlada Turkiga ayaa horey u qaban jirtey wadahadalada u dhexeyn jirey Dowlada Soomaaliya iyo Somaliland balse waxay noqdeen kuwo aan natiijo ka soo bixin.

Lama oga ajendaha looga hadlayo kulamadan hadii ay dib u furmaan balse wax la rumeysan yahay in siyaasiyiinta xillalka ka haya Muqdisho ee kasoo jeeda Somaliland raadinayaan inuu kasoo baxo heshiis ka duwan nooca Federaalka ee ka jira Soomaaliya maanta. Siyaasiyiintaan ayaa qabta in dalka Soomaaliya lagu saleeyo awood qaybsi ku saleysan Koonfurta Soomaaliya iyo Woqooyiga iyadoo Somaliland la siinayo madax banaani maamul oo ka awood badan midda nidaamka Fedraalka we hadda jirta.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Gaas uu la socdo kulankaan iyo nooca uu noqnayo balse uu shacbka Puntalnd u sheegin isagoo ka warqaba in kulamada dambe laga soo qayb galin doono odey dhaqameed iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolada Sool,  Sanaag iyo Cayn.

Puntland oo bilowdey nidaamka Federaalka ee dalka Soomaaliya ku dhaqmo ayaa tan iyo intii uu xilka qabtey Madaxweyne Gaas waxaa hoos u dhacey maqaamkii ay ku laheyd kulamada looga hadlayo mustaqbalka dalka iyadoo Cabdiweli Gaas la rumeysan yahay inuu danihiisa shaqsiyadeed ka eego qodobada masiiriga ah ee shacabka ku nool degaanadaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM