​Madaxweynaha Somaliland oo Hargaysa ku laabtay

Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kasoo laabtay safar maalmo qaatay oo uu ku aaday dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxana soo dhaweyn loogu sameeyey caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha oo hoggaaminayey wafti wasiirro, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo xubno kale iskugu jira, ayaa heshiis dib loogu casriyeynayo dekeda Berbera lasoo galay shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay dalkaasi, waxana si weyn soo dhaweyntiisa loogu abaabulay shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka gaabsaday inuu warbaahinta la hadlo, waxana taas beddelkeeda si kooban saxaafadda ula hadlay afhayeenkiisa iyo wasiirka madaxtooyada, kuwaas oo guul Somaliland u soo hoyatay ku tilmaamay heshiiska lagu casriyeynayo marsada Berbera oo mucaaridku si weyn uga soo horjeesteen.

Sababta uu madaxweynuhu warbaahinta ula hadli waayey, ayaa lagu sheegay inuu munaasibadda 18-ka may u dhigtay khudbadiisa, isla-markaana uu halkaas ku faahfaahin doono miraha laga dhaxlay heshiiska xukuumadiisu la saxeexatay shirkadda DP World.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM