Somaliland oo cambaareysay cabashadii ay DF u gudbisay Kenya

Image

HARGEYSA, Somaliland – Kadib ashtakadii ay Soomaaliya ka gudbisay in dhigeeda dowladda Kenya ay "dal" ku tilmaamtay Somaliland, ayaa waxaa si adag kaga fal-celiyey maamulka gooni isu taaga ah ee Hargeysa.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Xiriirka Caalamka ee Somaliland kaasi oo banaanbax weyn oo ka dhan ah talabaadaasi lagu muujiyey, ayaa waxa uu falkaasi ku sifeeyay "mid diblumaasiyada ka baxsan".

"Somaliland oo ka qoomameyneysa kana digeysa falalka aan diblumaasiyada ahayn ee dowlada Soomaaliya waxay xaq u leedahay in ay xiriir la leeyalato dalal, taasoo horumarineyso nabadda iyo amniga gobolka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Muqdisho oo u yeertay safiirka Kenya ayaa go’aanka Nairobi ku sifeysay "mid ka dhan ah madax banaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya" wallow ay caddeysay in ay xishmeyneso deris wanaaga. [Halkan ka akhriso]

Somaliland ayaa madax banaani waxay sheegata tan iyo 1991-dii ayaa nan wali ictiraaf balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul goboleed hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya.

Bayaanka oo ku qornaa afka English-ka uuna helay warsidaha Garowe Online ayaa ku tilmaamay siyaasadda arrimaha dibadda ee Villa Soomaaliya "mid khilaaf iyo kala qeybin ku abuuraya Somaliland, taasoo ay tahay in ay ka baaqsato".

"Somaliland waxay ugu baaqeysaa Soomaaliya in ay diirada saarto caqabadaha ka haysta amniga, horumarka iyo bini'aadanimada, intii ay dareenka siin lahayd arrimaha dalal madax banaan sida Somaliland iyo Kenya," ayaa lagu yiri.

Tan iyo markii uu meel adag gaarey cilaaqaadka Muqdisho iyo Nairobi oo ka dambeeyay xiisada dacwadda badda, Kenya ayaa aad ugu dhowaaneysay Somaliland, talaabo ay ku cadaadineyso Soomaaliya si wada hadal u ogolaato.

Fal-celinta Hargeysa ayaa kusoo beegmeysa xili uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu maanta u safrey wadanka Guinea, halkaasi oo socdaal maalmo qaadanaya uu ugu kicitamay.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM