Somaliland oo mamnuucday adeegsiga astaanta Qaranka ee Internet-ka

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa mamnuucay adeegsiga Astaanta Qaranka ee Internet-ka [dotSO] kaasi oo maamulkiisa dhawaan ay lasoo wareegtay dowaldda Federaalka Soomaaliya. Halkan ka akhri.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Isgaarsiinta Somaliland, ayaa lagu amray Jaamacadaha, Shirkadaha Ganacsiga, Bangiyada, NGOs iyo Websites-ka ay leeyihiin Wariyaasha reer Somaliland ayaa looga digay adeesiga Astaanta ".SO".

Shirkadaha iyo shaqsiyaadka hadda isticmaala [.SO] aya loo qabtay mudo 30 maalmood ah inay uga wareegtaan Astaantan, taasi oo Somaliland u aragtay isticmaalkeeda inay dhaawacayso riyadeeda dhanka madaxbanaanida.

Go'aanka Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli maamulkaasi uu si aad ah uga soo horjeestay hadal kasoo baxay dowladda Federaalka kaasi oo ay uga hortimid heshiis ay la gashay Shirkadda DP World ee ay ku maamulayso Dekedda Berbera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM