Xildhibaanada Somaliland oo eedeyn culus u jeediyay Muuse Biixi

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Axad ah la hadlay labada Aqal ee baarlamaanka maamulka gooni isu taaga ah, halkaasi oo kusoo qaaday wax qabadka xukuumadiisa oo jirta sanad iyo bilooyin.

Xildhibaanada baarlamaanka Somaliland ee kasoo jeeda bariga gobolka Sanaag oo hadal-jeeedinta kadib u waramay warbaahinta ayaa ku eedeeyay Biixi in uu ka gaabiyay wax u qabashada dadka ku nool degaanada ay metalaan.

Gobolka Sanaag oo ku yaala bariga maamulkaasi gooni isu taaga ah kaasi oo ay kala maamulaan dowlada Puntland iyo Somaliland ayaa kamid meelaha sida daran u saameysay abaarta dalka ku dhufatay.

Sharci dejiyeyaasha ayaa si cad u qiray in maamulka Hargeysa uusan wax gurmad ah gaasiinin rayidka ku dhaqan halkaasi, oo abaabartu ay ka barakicisay guryahooda, kana laysay calafkooda.

"Heer waxaa la gaaray oo xalay la iisoo sheegay in la waayay biyo caano loogu qaso caruurta," ayuu yiri mid kamid ah mudanayaasha.

Intii uu la hadlay labada Golle, Muuse ayaa nan soo hadal-qaadin barnamijka siyaasadeed uga degan maamulkiisa bariga gobolka Sanaag.

Xildhibaanada ayaa ku dhaliilay hogaamiyaha Somaliland in uusan wali caddeyn mowqifkiisa bariga Sanaag, iyadda oo uu xafiiska joogo muddo sanad iyo bilooyin ah.

"[Muuse] waa inuu cadeeyo siyaasada uu ka leeyahay bariga Sanaag, ma faruhuu ka qaaday, Puntland iyo dowlada federaalka oo iska mar-maraya ayaa oranaya Somaliland ma rabtee Ilaahow maxaad noogu diidaysaa?" ayuu xusay.

Mudane kale oo qaddiyadaan si adag uga hadlay ayaa intaasi ku daray iska indha tirka xukuumada Muuse ee bariga Sanaag ay sababtay in shacabka ay kalsoonida kala noqdaan maamulkaasi.

"Waanu garaneynaa waxa kalifay, waana wax qabad la'aan iyo baahi fara badan oo jirta awgeed," ayuu xusay, isaga oo ku tartarsiiyay xukuumada Muuse Biixi in ay gurmad deg deg ah gaarsiiyo dadka halkaasi ku nool.

Hadalka mas'uuliyiinta ayaa imaanaya xili ciidamada Somaliland ay dhaqdhaqaaq ka wadaan qaybo kamid ah gobolka, talaabo uu ka digay madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo wacad ku maray in uu difaacayo sharafta Puntland.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM